Bilowgii sanadkii hore, wariye ka tirsan VOAda ayaa waxaa soo wacay il lagu kalsoonyahay iyadoo loo sheegay inuu fishi alaab muhim ah. Dhowr maalmood ka dibna, ayaa qof uu u geeyay sanduuq oo bac dusha looga duuduubay. Waxaa ku jiray Maskax Kambutar oo yar oo ay ku jireen in ka badan 40o oo file iyo fidiyowyo. Waxana laga dhex helay 18 saacadood muuqaalo soconaya oo ay Boko Xaram si qarsoodi ah u duubtay.
Markii uu in yar ka daawaday ayaa wariyihii la soo gaarsiiyay uu amakaagay: Dadka ka muuqda fidiyowga waxey ahaayeen dagaalyahanno ka tirsan Boxo Xaram oo aan horey wajiyadooda fidiyowyada noocan ah loogu arki jirin. kaba sii darane markan la duubayay waxey ku kacayeen falal argagax leh.
Fidiyowyadu waxey ka marakacayaan sababta in ka badan laba malyuun oo reer Nigeria ah ay guryahooda uga carareen. wwaxaa la arkayay iyagoo dad tooganaya, qaar karbaashaya si arxan darran, iyadoo ay dadku daawanayaan, mararka qaarna adeegsanaya Drones.
VOA waxey ogaatay in Maskaxan ay muuqaaladan ku jireen laga soo saaray Kambuyuutar ay ciidamada dowladdu qabsadeen dagaal ay la galeen Boko Xaram. Qofka muuqaalkan laga helayna wax xiriir ah lama laha miltariga Nigeria, Boko Xaram iyo Dowladda midna.
Markaa ayaa wariyeyaasha VOAu ay bilaabeen inay kala haadiyaan sideed iyo tobanka saacadood ee muuqaalada ah ee aan faaf reebneyn. waxaa sida ka muuqata canjaladan iyo xogta ku jirta la duubay muuqaaladan intii u dhaxeysay sanadihii 214kii iyo 2015kii xilligaas oo ay Boko xaram isku fidineysay Waqooyiga Bari Nigeria.
Qaar ka mid ah shaqaalaha VOAda ayaa did u eegis ku sameynayay canjaladdan muddo bila ah si meesha looga saaro shaki kasta oo la gelin karro sax ahaanshaheeda. waxey turjumeen dulucdii canjaladda ay xambaasaneyd oo ay ka dhex muuqdeen dagaalyahanno badankood ku hadlayay luuqada Kinuri ee luuqadda 1aad u ah Boko Xaram una adeegsato dacaayaadkeeda.
Waxaa canjaladda ka dhex muuqda qaar ka mid ah dagaalyahanadda Boko Xaram oo sheeganaya inay kooxdaa ka tirsanyihiin. Waxaa kaloo VOAu ay isla eegtay muuqaalo dhinaca Sateliteka ah iyo meelaha ka muuqda canjaladda ee ay gabood falladu ka dhaceen. intaa ugama aysan harin ee waxey koox u dirta VOAda dalka Nigeria bishii September sanadkii 2016kii. Kooxdaa ayaa tusay muuqaalada qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah oo aqoonsaday meelaha ay wax ka dhaceen.
Qeybo laga soo gooyay canjaladda ayey VOAdu tustay, Jacob Zenn, oo ah aqoonyahan ka tirsan jaamacadda iyo mu’asasada Jamestown Foundation, oo ah hey’ad deggan Washington, D.C., kaasoo si xooggan daraasad ugu sameeyay Boko Xaram. Zenn laftirkiisa ayaa awooday inuu aqoonsado qaar ka mid ah dagaalyahanada canjaladda ka dhex muuqda. Wuxuuna ku tilmaamay canjaladda mid bixineysa xogta gudaha ee Boko Xaram pp aan nooceeda oo kale horey loo arag.
“Aad bey u adagtahay in muuqaal noocan ah laga helo nolosha gudaha Boko Xaram ,” ayuu yiri Zenn. “Sida ay Boko Xaram u dhaqanto iyo hadalkooda gaar ahaan marka aysan ku talagalin inay fariintoodaas ay gaarto caalamka”
“Waa muuqaal aan noociisa oo kale cid kale helin,” ayuu yiri Zenn.
Tan iyo markii la duubay muuqaalada Boko Xaram xitaa bilihii ka dambeeyay ee ay VOAdu heshay, ciidamada Nigeria ayaa guulo ka gaaray dagaalka ay kula jireen Boko Xaram, iyagoo dib u qabsaday dhul badan oo ay beri Boko Xaram heysatay. Saraakiisha milatariga iyo madaxweynaha dalkaasi Muhammadu Buhari ayaa sheegay in kooxda laga saaray keyntii ugu weyneyd ee ay ku dhuuman jirtay ee Sambisa Forest. Laakiin weli, Boko Xaram waxey sii wadaa inay beegsato baro shacab iyo kuwo milatari.
Bishii January, VOAdu waxey qeyb ka mid ah Fidiyowgan u bandhigtay Wasiirka difaaca ee Nigeria, Mansur Mohammed Dan Ali, kasoo sheegay inuusan horey u arag isla markaana aanu ogeyn in canjalad noocaasi ah jirtay iyo in kale. Laakiin markii uu daawaday Boko Xaram oo dad karbaasheysa, qaar ka mid ah dadka tuulooyinkana qaarajineysa, wasiirku waxa uu ceshan waayay illinta.
Dan Ali waxa uu yiri inkastoo dowladda Nigeria ay guulo ka gaartay Boko Xaram hadana muuqaalada Fidiyogan ay dunida tuseyso waxashnimada kooxdan iyo cadowtooyadooda ka dhanka ah shacabka.
“Muuqaalkan waxa uu muujinayaa waxashnimada kooxda Boko Xaram iyo dhibaatada ay ku heyso bulshadeenna iyo guud ahaan dadka reer Nigeria ,” ayuu yiri wasiirka. Wuxuuna intaasi ku daray, “Maxaa yeelay si un ayey dhibaatada kooxdan u saameysay qof walba oo ka mid ah mujtamaca waqooyiga Nigeria iyo good ahaan dalkan.”
WAX BADAN DAALACO
Daawo Warbixin Maqal iyo Muuqaal ah
Filimkan taxanama ah ee Argagaxa Boko Xaram ee la daah rogay halkan ka daawo.
DADKU MAXEY LEEYIHIIN
Nala wadaag fikirkaaga ku aadan "Argagaxa Boko Xaram" iyo waxa aad aragtay ee ay geysatay ee filimkan ku jira, #terrorunmasked.
Facebook
Twitter