Boko Haram: Argagax La Daah Rogay
-
Warinta Sheekadan

Boko Haram

ARGAGAX LA DAAH ROGAY

Wiil yar oo lagu karbaashayo meel fagaara ah. Dadka daawanaya oo ku qeylinaya “Allahu Akbar.” Mintidiina Boko Haram oo dad rayid ah madaxa iyo wadnaha ka tooganaya, iyagoo iska indha tira ducadooda iyo doodooda ku aadan in aaney dembi galin.

Warbixinta hoose waxey ka koobantahay muuqaalo naxdin leh oo ay Boko Xaram si qarsoodi ah u duubtay, hase yeeshee ay VOAdu heshay. Muuqaalada ku jira waxaa laga yaabaa inay dadka qaar dhibsadaan maadaama ay muujinayaan xaqiiqda cadaawadda xukunka Boko Xaram.

QAARAJINTA

Magaaalada Kumshe ee dalka Nigeria, nin ku eedeysan inuu iibinayay daroog ayaa duceysanaya ka hor inta aan toogan. (Muqaalka Boko Xaram)

Tuulada ku taala Waqooyiga Nigerian ee Kumshe, Boko Xaram waxey ka fulisay falal aan ka turjumeyn diinta Islamka ama shareecadaoo ay dhalan rogeen. Xirashada dharka reer galbeedka iyo waxbarashadoodaba wuxuu qofka ku muteysanayaa ciqaab adag. xitaa dad ku eedeysan inay daroogo gadateen ama ay isticmaalyaeen sida kuwa aad ku aragteen Muuqaalkan ayaa lagu xukumay karbaash iyo toogasho.

Helista muuqaal aan la faaf reebin oo muujinaya Boko Xaram oo ka howlgaleysa gudaha Nigeria ma aheyn mid caadi ah. Kooxda waxaa lagu yaqaanaa sir iyo qarinta xubnaha ka tirsa iyo halka ay joogaan. Laakiin VOAda ayaa heshay canjalad muuqaal ah oo 18 saacadood soconeysa oo ay kooxdu ku duubtay goobaha ay gabood faladda ka geystaan.

Muuqaaladan waxaa laga helay Kambiyuutar Labtop ah oo ay ciidamada Nageria ku qabsadeen weerar, muuqaaladaas oo ka marag kacaya dhibaatada ay Boko Xaram ku heyso dadka Nigeria.

Daawo Warbixinta la xiriira Argagaxa “Boko Haram ee la daah rogay- qeybta 1aad.

Toogashada ragga Magaalada Kumshe iyo goobo kale waxey muujinayaan xubno ka tirsan Boko Xaram oo si cadowtooyo leh ugu dhex jira howl maalmeedkooda fulinta waxey ugu yeereen amarada Khilaafadooda. Waxaadna ku daawan doontaan filimo taxane ah oo afar qeyb ka kooban oo ay VOAdu ka sameysay. “Boko Haram: Argagax la daah rogay.”

Muqalada la duubay ee aan la faaf reebin kama aysan muuqan in kooxdo aysan haba yaraatee ku fekerin inay qariyaan waxashnimadooda. sida ka muuqata xogta Fidiyowgana waxaa la duubay intii u dhaxeysay dabayaaqadii 2014 iyo 2015, xiligaa oo ay Boko Xaram isku fidineysay Waqooyiga Nigeria.

Magaalada Kumshe waa halka ay ka dhaceen dilka ay Boko Xaram Geysatay ee fidiyowgan ku aragteen

WEERAR MARKAA DHACAYA

Askari ka tisan Boko Xaram ayaa dhex socda magaalada Banki xilli ay mintidiintu weerar ku yihiin xero milatary oo halkaa ku dhow. (Muqaalka Boko Xaram)

Muddo todoba sanadood ah oo ay Boko Xaram ka waday kacdoonka hubeysan Waqooyiga Nigeria waxey bartilmaameedsatay Baro dowladeed iyo kuwo shacab si ey dhul u qabsato dadkana ay u cabsigeliso.

Hogaamiyeyaasha kooxdan ayaa dhalinyarada u dagaalanta u balanqaada shuhado, iyagoo askareeya ka dibna u dira jiidaha dagaalka iyagoo aan hub fiican iyo tababar heysan. kooxdu waxey qafaalatay kumanaan dumar iyo caruur ah. Muuqaalada ay duubtay Boko Xaram ayaa waxaa ka muuqday weerar ay ku qaadayaan saldhig ay degenyihiin ciidamada Nigeria magaalada Banki.

Dagaalyahanada ayaa isu soo ururaya goor aroor ah hogaamiyeyaashooda ayaana u diyaarinaya inay wax dilaan ma in la dilo. weerarka ayaa isu bedelaya qulqulato iyagoo qaar ka mid ah mintidiintu ay ka gaareyso inay qoryaha iska baryaan.

Daawo Warbixinta la xiriira Argagaxa “Boko Haram ee la daah rogay- qeybta 2aad.

Goor dambana dagaalyahanada Boko Xaram waxey dilayaan dad shacab ah meel tuula ah ka dib marka ay su;aalo weydiiyaan oo ay weydiistaan cunno iyo lacag ay dagaalkooda ku maal geliyaan. Boko xaraam ayaa ku tiirsan lacagaha ay ka helaan dadka ay afduubtaa iyo baad iyo dhac ay dadka u geystaan.

CABSI

Sadex dhalinyaro ah oo ay Boko Xaram Su'aalo weydiinayaan ka dib markii la qabsaday tuuladooda. (Muuqaal Boko Xaram)

Ololaha kacdoon ee Boko Xaram waxa uu burburiyay nolosha dadka, waxa uu fidiyay cabsi, waxa uu barakiciyay malaayin qof waxaana uu meesha ka saaray kala dambeyntii bulsho ee Waqooyiga Bari Nigeria.

Marka ay mintidiintu qabsadaan tuulo waxaa xiga su’aalo ay dadka weydiiyaan. hadafkuna waxa uu yahay si ey u helaan warbixin ku saabsan cidda ay daacadda u yihiin iyo halka ay aadeen ehelkooda ka cararay ka hor inta aan la qabsan meehsa.

Sida uu sheegay hogaamiyaha Boko Haram’s, Abubakar Shekau, ujeedada kooxdu waxey tahay inay qaadaan dagaal jihaad ah oo ay Nigeria kaga sifeynayaan wax kasta oo la xiriira saameynta reer galbeedka. kooxdu wax arxan ah uma galin muslimiinta Nigeria oo waxey weerareen Masaajid iyo magaalooyinka ay Muslimiintu ku badanyihiin.

Isha Xogtan: Institute for Economics & Peace: Global Terrorism Index 2015 iyo 2016

DIINTA ISLAMKA OO LA AFDUUBAY

Xubno ka tirsan Bko Xaram oo isu diyaarinaya inay gacmaha ka gooyaan laba qof oo shacab ah oo ku eedeysan xatooyo (Muuqaalka Boko Xaram)

Muqaalka Fidiyow ee hoose waxa uu muujinayaa hogaamiyeyaasha kooxda oo u qiil dayaya falalkooda arxan darro, iyagoo ku saleynaya caqiido Islam la dhalan rogay xambaarsan.

Maxkamadeyn ka dhaceysa meel fagaara ah ayaa qof fariin side ah oo ku hadlayaa magaca Abubakar Shekau, hogaamiyaha Boko Xaram, xilli ay mintidiintu u diyaar garoobayaan inay dilaan laba ka mid ah.

Waxey ku eedeysanyihiin inay ka tirsanyihiin dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Daawo Warbixinta la xiriira Argagaxa “Boko Haram ee la daah rogay- qeybta 3aad.

Gacan ka hadalka Boko Xaram iyo Islamka ay sida qaldan u turjumeen waxa uu ka soo jeedaa fikradaha ay ka qaateen ninkii aas aasay oo la oran jiray Maxamed Yuusuf. Maxamed waxa uu ku wacdin jiray xertiisa in waxbarashada reer galbeedku ay xaraam tahay. Sanadkii 2009kii isku dhac dhex maray kooxdiisa iyo ciidamada dowladda Nigeria ayaa lagu dilay Yuusuf meel dibadda ka ah xaruntii kooxdaas.

Shekau waxa uu aaminsanyahay in qaarajinta dadka aan islamka aheyn, weerarada ka dhanka ah goobaha rayidka iyo qafaalashada gabdhaha sida kuwii Chibok oo kale ay yihiin falal loogu qiil dayi karo Islamka, waxaase fikradaasi diidan culumada Nigeria.

DADKII OO DHAN WEY KA CARAREEN

Kaalin Shidaal oo laga cararay, kuna dhow xero ay dadka aan guryaha laheyn lagu xanaaneeyo oo ku taala Bama oo ay burburisay Boko Xaram (VOA)

Markii ay awoodda Boko Xaram meesha ugu sareeysa gaartay waxey gacanta ku hayeen dhul baaxadiisu ay laba jeer ka weyntahay Beljimka. Dhulka ay ay xoogga ku qabsatay waxaa ka barakacay dad ka badan 2 malyuun oo qof oo reer Nigeria ah, waxeyna sababeen sugnaan la’aan dhinaca cunada ah oo baahsan.

Maanta, magaalooyin badan oo horey Boko Xaram ay gacanta ugu heysay ayaa laga xureeyay. Waxaana iska kaashaday ciidamada Nigeria iyo dalalka deriska la ah. VOA ayaa u socdaashay Waqooyiga Bari Nigeria bishii September sanadkii 2016kii si ey u soo xaqiijiso sheegashada ciidamada dowladda ee dhulka ay qabsadeen isla markaana ay u soo aragto waxyeelada gaartay shacabka.

Iyadoo ay wehliyaan 12 gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay saaranyihiin qoryaha lidka dayuuradaha ayey VOAdu booqatay magaalooyin beri loo arkayay meelo lama galaay ah waxaana kooxdii ka socotay ay indhahooda ku soo arkeen sida dadka reer Nigeria ay isugu dayayaan inay dib u dhistaan wixii laga burburiyay. Laakiin meelaha aysan ku sugneyn ciidamada dowladda ama dhulka miyiga ah Boko Xaram weli halis ayey ku heysaa. Waxaa kaloo kooxdu ay sii wadaa weerarada ismiidaaminta ah iyo kuwa ka dhanka ah rayidka iyo ciidamada.

Isha Xogtan: International Organization for Migration, Nigeria, December 2016

KUMSHE MA SII JIRTO

Laba ka mid ah dadka Tuulada Kumshe oo ka falcelinaya Sawirada falalka cadowtooyo ee Boko Xaram ay ka geysatay tuuladooda. (VOA)

Mid ka mid ah dadkii ka soo qaxay Kumshe ayaa xaqiijiyay tuulada ay qaarajintu iyo karbaashku ka dhaceen, kuwaa oo ka muuqday muuqalkan Boko Xaram.

Isagoo weli daawanaya muuqaalada ayuuna oohin la dhacay.

Daawo qeynta 4aad ee Fidiyowga  Argagaxa Boko Xaram ee la Daah rogay.

WAX BADAN DAALACO
Filimkan taxanama ah ee Argagaxa Boko Xaram ee la daah rogay halkan ka daawo.
Wax ka ogow sida ay VOAdu ku hesshay muuqaaladan.

DADKU MAXEY LEEYIHIIN
Nala wadaag fikirkaaga ku aadan "Argagaxa Boko Xaram" iyo waxa aad aragtay ee ay geysatay ee filimkan ku jira, #terrorunmasked.
Facebook
Twitter

CREDITS

Written by Salem Solomon

Designed and produced by Tatenda Gumbo and Steven Ferri