Tahriibka Afrikaanka Qurbo-Joogta ah ee Heehaabaya

104 Muhaajiriin Afrikaan ah oo saaran dooni cinjir ah kuwaaso sugaya in laga soo badbaadiyo meel 25 mile u jirta xeebaha Libya. (Reuters)

Waxaa soo weriyey Abdulaziz Osman iyo Nicolas Pinault
Waxaa Tifaftiray Peter Cobus

Febraayo 2016

Introduction

Iyadoo Yurub ay sii wado qaabilidda muhaajiriinta ku qulqulaya qaaradda, ayaa waxaa warbaahinta dunida qabsaday wararka ama sheekooyinka la xiriira qaxootiga ka soo qaxaya colaaddaha Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Laakiin sheekooyinka muhaajiriinta ka imanaya dalalka Saxaraha Africa ka hooseeya iyo qaxootiga colaadda gobolka ka soo cararaya – ayaanay u badnayn in caalamku uu maqlo – ilaa safaradoodu ay masiibo soo wajahdo mooyee.

Qiyaastii 130,000 oo Afrikaan ah oo tahriibay 2015 oo kaliya, ayaa intooda badan waxay ka soo carareen hab la dhaqanka adag ee hay’addaha dowliga iyo saboolnimo gaamurtay – iyo waxay ugu yeereen saameynta marxaladihii gumeysigu ku reebay qaaradda Afrika.

Xero KMG ah oo ku taalla magaalada Rome ayaa Moro Saneh oo ah 16 jir u dhashay Gambia wuxuu ka macneeyay sababta uu u soo tahriibay ” Waxaan doonaynaa inaan u noolaano sida bini’aadamka kale oo kale”

Laga soo bilaabo dhulka fog ee Sahel, muhaajiriinta ka soo jeeda dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa labada khad ee ugu weyn ee ay isticmaallaan waxay iska galaan Libya, khad waa meel dhiiqo ah, dagaallo, sharci la’aan iyo burbur uu ka jiro, halka khadka kalena ay joogaan kooxo iska soo horjeeda oo tartan uu ka dhaxeeyo. Waana halka xasiloonidarrii dhalatay kadib kacdoonki Carabta, uu madaxweynihii la inqilaabay ee Mucamaral Qadaafi sadaal uu bixiyay ay u egtahay inay run noqonayso taasoo ahayd in ” Badda Mideterranean ay noqon doontaa bad fowdo ah”

Baddahan furan ee ka horeeya iyo saxaraha bannaan ee ka danbeeyay, muhaajirinta Libya ku sugan waxaa la soo darsa go’aanka ugu adag safarkooda oo ah; inay isku biimeeyaan ka gudbidda hirarka isbad-badalaya ee badda oo galaaftay nolosha 3,771 muhaajiriin ah, iyagoo hunguriyaynaya xeebaha dhow ee koonfurta Talyaaniga. Laakiin xitaa kuwa nasiibka u hela inay gaaraan xeebaha, ayaa jannadii ay barwaaqadii ay filayeen waxay markiiba iskubadashaa cadaab. Sida muhaajiriinta kale ee Bariga Dhexe, dadka safraya ee mararka qaar aan wadan haysan, waxay baaqi ku yihiin xaalad muran u dhaxeeya dadka wax tahriibiya oo ka faaideysta dhibaatada muhaajiriinta, iyo dowladdo aan siinayn sharciyo ay dalalkaasi ku joogaan.

Haddaba waa kuwan sheekooyinkoodu.

Fariinta Tifaftiraha: Inkastoo kala duwanansho ay u dhaxeyso erayada muhaajir, qaxooti iyo magangalyo-doone, haddana ma awooddno inaan xaqiijino sugnaanshaha wareysiyada iyo macluumaadka ay bixiyeen dadka aan wareysanay, sidaasi darteed waxaan fududeynay mancnaha erayada.

Qeybta 1: Waddooyinka

Qeybta 1: Waddooyinka Wadada La soo Maro

Muhaajiriinta Afrikaanka ah waxa ay safarka halista badan ka billaabaan dalka Niger, iyaga oo ku gaara xeebaha Libya. (Reuters)

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka IOM ayaa sheegtay in 90% muhaajiriinta Africa ee Yurub galay ay soo mareen dhinaca Liyba, halka 10% ay ka soo galaan dhinaca Masar.

Muhaajiriinta ka taga dalalka Galbeedka Africa, gaar ahaan Senegal, Gambia, Ghana iyo Nigeria waxay tagaa Sabha oo Libya ku taalla, iyagoo sii mara Mali iyo Niger inta aanay u gudbin dhinaca magaalada Tripoli. Mararka qaar muhaajiriitan ayaa laba toddobaad gudahood ku safra 10-kun oo mile, halka mararka qaarna uu safarkaasi ku qaato sannado.

Geeska Afrika muhaajriinta ka soo baxa Eritrea ama Somalia, waxay soo maraan Ethiopia, Kenya, Uganda iyo labada Sudan.

Muuqaal taleefon lagu duubay oo muujinaya muhaajiriin saaran dooni ka soo qaaday Masar oo maraysa badda Mideterranean-ka. (Muuqaalka waxaa helay VOA/Abdulaziz Osman)

“Safaraka saxaruhu wuxuu ka dhib badan yahay safarka badda, waayo safarka badda ama waad dhiman ama waad bad-baadi, laakiin lama kulmaysid cadaab iyo xanuun aan dhammaanayn.” 

– Hafsa, Gabar Soomaali ah oo Libya ka soo tahriibtay. VOA ay kula kulnatay Rome, Italy.

Dhammaan waddooyinku ay muhaajiriintu maraan waxay isugu yimaadaan xeebaha Libya, oo 160 Nautical Miles u jira jaziiradda Lampedusa oo ah marinka ugu dhow dhulka Yurub.

Muuqaal taleefon lagu duubay oo muujinaya muhaajiriin saaran markab Yurub-tu leedahay oo badda ka soo badbaadiyay (Muuqaalka waxaa helay VOA/Abdulaziz Osman)

Muhaajiriinta ka yimid waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya ayaa ka yar 15% tirada muhaajiriintii badnayd ee Yurub galay sannadkii hore ee 2015, iyadoo tirada Yurub gashay sannadkii hore ay tahay tii ugu badnayd ee qaaradu Yurub gala tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.

Muhaajiriinta Afrika intooda badan waxay Yurub ka galeen dhinaca Talyaaniga, halka muhaajiriin aad u badan oo ka soo cararay dagaallada Ciraaq, Suuriya iyo Afghanista ay Yurub ka galeen dhinaca Giriiga. Tirada muhaajiriitna Africa ee soo galay Talyaaniga ayaa la mid kuwii sanadadii hore qaaradda galay.

“Ma jirin koror ku yimid muhaajiriinta soo galay Talyaaniga sannadkan” sidaas waxaa VOA u sheegay Frederco Soda, agaasimaha IOM ee xafiiska isku-dubaridka Mediterranean-ka. “Isu geyn, tirooyinku waxay la mid yihiin kuwii sannadkii hore 2014, laakiin qowmiyadaha iyo gobollada ay ka kala yimaadeen ayaa kala duwan. Muhaajiriinta Africa aad ayay uga yar yihiin kuwa Syria ee soo maraya khadka Balkans. Waxay u badan yihiin kuwa ka yimid Galbeedka Afrika, oo ah muhaajiriin dhaqaala doon ah, waxaana laga yaabaa in sidaas loo arko. Laakin sidaas oo kale looma arko kuwa ka soo cararaya xasillooni darada iyo amnixumada ka jirta Geeska Afrika.”

Wareysi VOA yeelatay Federico Soda, Agaasimaha hay'adda IOM ee xafiiska iskudubaridka Mediterranean, Rome, Italy (VOA/Nicolas Pinault)

Qeybta 2: Libya

Qeybta 2: Libya Hadaamaha Africa Iyo Halista Libya

Beer dacas ah oo qof muhaajir ah uu ka tagay oo yaala dhulka saxaraha ee u dhow xadka Libya. (Reuters)

Muhaajiriinta tahriibaya, Libya waxay u ahayd meel is-diidan. Waa bartilmaameedka koowaad ee safarka daalka badan ee saxaraha. Sidoo kale waa xarumaha ugu muhiimsan ee ay ka soo baxaan doonyaha yaryar ee Mideterranean safarka halista badan ku soo gala. Inta badan dadka aan wareysanay, Libya safarka ay ku soo mareen waa qeybta u naxdinta badan safarkooda. Waa meel ay joogaan kooxo danbiilayaal iyo argagixiso ah, waa dal guul dareystay. – Mar Libya waxay ahayd xarun ay u shaqo tagaan dadka degan Afrikada kale, balse waxay noqotay meel argagax badan. Qaramada Midoobay warbixin ay soo saartay ayaa lagu sheegay jirdil, adoonsi, kufsi ay geysanayaan kooxo hubeysan, magafayaal iyo saraakiil dowladda ka tirsan oo maamulla xarumaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dadka lagu xiro.

“Libyaanku waxay nagu garaaceen tuubo, waxayna nagu qasbeen inaan riixno baabur bacaadka galay. Waxay na fariisiyaan banaanka oo qoraxdu aad u kululeyd, waxay horteena ku cuneen cunto iyo biyo”

– Xuseen Muhyadiin, Muhaajir Soomaali ah oo VOA kula kulantay magalaada Milan, Italy

Inkastoo ay jiraan dukumintiyo cadeynaya xadgudubyo baahsan, ayaa hadana mujaajirinta badankooda aysan ka warqabin halisaha jira, sidaasi waxaa yiri Soda oo ka tirsan hay’addaha muhaajiriinta caalamka: “Ma oga in dadka wax tahriibiyaa ay yihiin kuwa dadka waxyeeleeya”

Sama Tounkara waa 23 jir Mali u dhashay wuxuu ku tilmaamay wixii uu kala soo kulmay Libya ” Intii aan joognay Tripoli, Maalin kasta waxaa qasab nagu ahayd inaan orodno”

Haweenay Nigeria u dhalatay oo badda laga soo badbaadiyay, waxay ku sugan tahay dekedda Tripoli, Libya (AP)

Sama Tounkara, waa muhaajir u dhashay Mali oo ka hadlaya sida uu uga soo bad-baaday Libya. (VOA/Nicolas Pinault)

Qeybta 3: Makhraatiyaal

Qeybta 3: Makhraatiyaal Ka Gudbidda Badda

Raxma Abuukar Ali oo ah muhaajir Soomaali ah iyo gabadheeda Sofia oo ku sugan magaalada Gelsenkirchen, ee Woqooyiga Rhine-Westphalia, Germany. (VOA/Abdulaziz Osman)

Hooyo Soomaali ah oo 33 jir ah ayaa ku dul-umushay markab Jarmalku leeyahay; Laba wiil oo Ethiopian ah ayaa waxaa qabsaday mukhalasiin/magafayaal ilaa lagu soo daayo madaxfurasho dhan 8000 oo dollar midkiiba; Gabar Soomaali ah oo aragtay niman kaadidooda cabayay saxaraha kadib markii ay ku sigteen inay dhintaan. Qof walba sheeko gaar ah ayuu hayaa oo uu la kulmay, laakiin gunaanadka sheekooyinkan waxay ku xiran tahay waxay kala kulmaan safarka badda Mediterranea-ka.

Muuqaali /Makhraati: Raxma Abuukar Cali, 33, Somalia:

Markii Rahma ay soo fuuleysay doonida ay ka soo raacday Libya August 22, way ogeyd in safarkaasi uu horseedi karo nolol cusub oo rajo leh ama inay nafteeda ku waydo.

Raxma waxay iyadoo uur leh muddo shan bilood ah ku soo jirtay safar tahriib ah oo Somalia ay uga soo baxday kuna timid Xeebaha Libya. Waxay ku soo lugaysay oo soo martay Saxaraha aadka u kulul. Waxay kaliya seexan jirtay marka ay raacdo baabuurta ay ka buuxaan tahriibayaasha kale ee ka soo cararay colaadda Geeska Africa.

“Waan dawakhsanaa; waan daalanaa sababtoo ah safar dheer ayaan soo galay” Raxma ayaa sidaas tiri.Raxma waxaa ka go’nayd inay ku dhasho meel ah Libya ahayn, waxayna soo kortay dooni iyadoo halista og.

“Diyaar baan u ahaa inaan dhinto aniga iyo ilmaha caloosha iigu jiray, ama aan Yurub galo” Raxma ayaa sidaas VOA u sheegtay.

Raxma waxay ku dhashay markab Jarmal ah dushiisa. Gabadha ay dhashay oo loo bixiyay Sophia ama Safiya iyo iyaduba waxay imika ku nool yihiin magaalo yar oo u dhow Düsseldorf, halkaasi oo ay ku sugayso codsigeeda maganlgayo-doonka ee ay weydiisatay dowladda Jarmalka.

Wareysiga Raxma Abuukar Cali, hooyo Soomaali ah oo markabka ku dul umushay, Gelsenkirchen, Germany (VOA/Abdulaziz Osman)

Libya waxay noqon doontaa sida Soomaaliya oo kale….. Badda Mediterranean. Waxaad burcad-badeed ku arki doontaan Sicily, Crete, iyo Lampedusa. Waxaad arki doontaan malaayiin muhaajiriin sharci darro ah. Argagaxu wuxuu iman doonaan albaabkiina agtiisa.”

– Saif Gadhafi, wiilkii uu dhalay hoggaamiyihii dhintay Col. Moammar Gadhafi, wuxuuna la hadlayay warbaahintan, March 7, 2011.

Muqaal Makhraati: : Sama Tounkara, 23, Mali:  Xero KMG oo Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu ay ku leedahay  magaalada Rome, waxaa ku sugan Sama Tounkara oo ka nasanayay safarkii tahriibka  ka hor inta aanu safar kale ugu bixin dhinaca Waqooyiga Yurub.

Sama wuxuu ka soo qaxay dagaal iyo shaqo la’aan ka jirta Mali. Sama waa dhalinyaradii Bamako, wuxuu u safray magaalada Gao kahor inta aanu u ka talaabin Tamanrasset ee dhinaca xadka Algeria. Kadib 6 bilood oo uu dhismaha ka shaqeynayay Ghardaia, wuxuu u wareegay dhinaca Libya, halkaasi uu xaalad tii hore ka daran kula kulmay.

“Gudaha Tripoli, maalin kasta dad qoryo wata ayaa noo yimaada si ay lacag nooga qaataan” Sama ayaa sidaas sheegay. “Ama, waxay na weydiisan inaan raacno si aan shaqo yar ugu soo qabano, balse xaqiiqdii, way na dhici jireen”

Wakhti habeen ah, niman dirays ku labisan ayaa u yimid oo weydiiyay inuu xero u nadiifiy, waxaana loogu hanjabay qori caaradii. Danbigiisu wuxuu ahaa inuu weydiiyay nimankaasi inay siiyaan lacagta shaqadii nadiifinta. Arrimahaasi uu la kulmay ayaa ku qasbay inuu soo qaxo, oo uu badda ka soo talaabo isagoo saaran dooni yar oo ay la saaran yihiin 146 muhaajiriin ah. wuxuu u maleeyay inuu badda ku dhiman karo, laakiin 7 saacadood kadib, waxaa soo bad-baadiyay markab Yurub-tu leedahay.

Wareyisga Sama Tounkara, Muhaajir u dhashay Mali (VOA/Nicolas Pinault)

Muuqaal Makhraati: Dalmar iyo Axmed, Wiilal 16 jir ah, Ethiopia:

Labadan wiil oo muddo ku dhow bil jooga Talyaaniga ayaa wali ka baqanaya inay magacyadooda runta ah isticmaallaan.

Labadan wiil waxay ahaayeen arday, waxaana saaxiibadoodn oo Yurub nolol cusub ka bilaabey ay ku qalqaaliyeen inay tahriibaan.

“Waxaa jira sababo badan oo aan tahriibka u soo galnay” Sidaas waxaa yiri Axmed. “Waxaa jirta shaqo la’aan, kuwii naga horreeyey ee soo qalinjabiyay xitaa ma shaqeeyaan oo waddooyinka ayay iska taagan yihiin, sidaas darteed waxaan go’aansanay inaan baxno”

Labadan wiil waxay tageen Addis Ababa, kadibna mukhalasiintii ayaa ka xeeyay, waxayna 8 saacdood lug ku galeen xadka Sudan, waxayna ku biireen muhaajiriin kale oo isku diyaarinayay safarka Saxaraha. Shan cisho oo ay soo marayeen Saxaraha kadib, waxay yimaadeen Ajdabiya, oo ku taalla waqooyi-bari Libya, Ajdabiya waxay 150 km u jirtaa magaalada dhinaca koonfureed ku taalla ee Benghazi.

Axmed wuxuu ka sheekeeyay safarkii saxaraha “Markii aan maalmo soconay ayaa biyihii naga dhammaadeen” Wiilashan ayaa kadib waxaa loo gacan galiyay magafayaal arxandaran, kuwaasoo garaaca dadka diida inay ehelkooda taleefon kula hadlaan si ay u weydiistaan lacago madaxfurasho ah oo lagu sii daayo.

Nabarada ku yaalla dalmar ayaa caddeyn u ah 6 toddobaad oo ay ku jireen gacanta magafayaasha Libya.

Laba wiil oo ka soo tahriibay Ethiopia oo ka hadlaya safarkii Tahriibka. Milan, Italy (VOA/Abdulaziz Osman)

Muuqaal Makhraati: Morro Saneh, 16 jir, Gambia: Xero yar oo ku taalla Rome, ayaa Morro Saneh wuxuu dib u xasuusanayaa habeenkii uu guriiisa ka so o baxay. Waxay ahayd habeenkii sannadka cusub 2015 ka horreeyay, isagoo ka baqanayay khilaaf ka dhasha iskudaygii afgambi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Yayah Jammeh, wiilkan Morro ayaa si qarsoodi ah ku soo baxay isagoo reerkiisa waxba u sheegin.  Kadib markii uu soo gaaran Kaolack,  oo Senegal ku taalla, wuxuu bixiyay 3-kun oo dollar si uu u tago Bamako, Mali, halkaasi oo uu muddo bil ah joogay isagoo biyo waddooyinka ku iibinayay. Magaalada Agadez, ee Niger, wuxuu noqday wastaad (dadka guryaha dhisa), magaalada Tripoli, booliska ayaa lacag wuxuu haystay ka qaatay kadina xabsiga dhigay 33 maalmood.

Morro Saneh, oo ay ka go’an tahay inuu gaaro Sweden, ayaa dhinaca kale wuxuu u digayaa dhalinyarada Africa ee nolol ka raadinaya Yurub: ” Haddii mar kale safarkan soo gali lahaa, ma sameeyeen. Waa safar halis badan wata”

Wareysiga Morro Saneh, muhaajir u dhashay Gambia (VOA/Nicolas Pinault)

Qeybta 4: Tacadiyada

Qeybta 4: Tacadiyada Magafaha Naxariista Daran

Tahriibiyayaasha ayaa gubay gacanta muhaajirkan intii lagu guda jiray safar halis badnaa oo ahaa Geeska Afrika illaa Libya (Waxaa helay VOA/Nicolas Pinault)

Sanad walba, safarada muhaajiriinta iyo qaxootiga waxaa laga helaa lacago balaayiin dollar gaaraya, iyadoo kooxo caalami ah oo danbiilayaal ah ay si xirfadaysan u qaataan faa’iidada, iyagoo ka manaafacaadsanaya rajooyinka fudud ee ay muhaajirintu ku doonayaan inay nolol fiican helaan.

Laga soo bilaabo Khartoum ilaa magaalada Calais ee Faransiiska, sheekooyinka tacadiyadu waa kuwo dhaadheer oo aan isbaddalayn: magafayaashu waxay muhaajiriinta ku jir-dilaan dhulka lama dagaanka: iyagoo sigaar ku guba gacmahooda, wajiga ama xabadka, dadkana u xir-xira sida xayawaanka oo kale si ay ugu guraan baabuurta ka dhex-shaqeeya saxaraha, mararka qaarkoodna xabsi ayay galiyaan markay soo gaaraan Libya si ay madax furasho uga helaan.

Wareysiga Muhaajir u dhashay Eritrea, Milan, Italy (VOA/Nicolas Pinault)

“Mararka qaarkood Magafayaashu namaysan siin jirin dhuxul ama geedo aan cunto ku karsano…. Waxaan arkay kuwa wax kariya oo dharkii iyo jaakadihii aan wadanay xaabo ka dhigtay si ay cunto noogu kariyaan si aanan gaajo ugu dhiman a.”

– Hafsa, Muhaajir Soomaali ah oo VOA kula kulantay Rome, Italy.

Wareysiga Cabdallah Arku oo ah muhaajir u dhashay Sudan (VOA/Nicolas Pinault)

xitaa Talyaaniga, magafayaasha ayaa si furan u jooga oo uga howlgala. Wiil Ethiopia ka soo tahriibay ayaa VOA u sheegay in looga digay inuu isdiiwaangaliyo, halka kuwa kalena guryo lagu haystay in kabadan 10 maalmood, kadibna la siiyay markii ay lacago madaxfurasho ah bixiyeen.

Mid ka mid ah wiilasha Ethiopia ka soo tahriibay oo ka hadlaya magafe ku qabsaday Sicily. (VOA/Abdulaziz Osman)

Muhaajiriinta awooda inay safarkooda sii wataan waxay la kulmaan kooxo sharcidaro ah oo hal abuur ugu sameeya meelaha ay joogaan ee ku hareeraysan: kuwa muhaajiriinta ay isku wadanka ka soo jeedaa ee caawiya ilaa maafiyada Albania ee iyagu ka shaqeeya xeryaha qaxootiga ee waqooyiga Faransiis. Xitaa muhaajiriinta aan lacagta haysan waxay sii wadan karaan safarkooda dhinaca waqooyiga ay ku tagayaan, iyadoo loo balanqaadayo inay shaqeyn karaa si ay u bixiyaan deymaha lagu leeyahay. Giovanni Abbate, oo hay’adda IOM u qaabilsan Sicily, Italy ayaa sheegay in gabdhaha yar-yar ee muhaajiriinta ah, balanqaadka loo sameeyo ay ka dhigan tahay heshiis lagula galayo inay jirkooda iibiyaan.

Wareysiga Giovanni Abatte, Sarkaal ka tirsan IOM ee Sicily. (VOA/Nicolas Pinault)

Qeybta 5: Gabagabo

Qeybta 5: Gabagabo Dariiqa Horeeya: Nolol Halis ah, Siyaasad Jahawareersan.

Xerada "Howdka" ama "The Jungle" ee ku taalla magaalada Calais, France. Waxaa dagan kumannaan kun oo muhaajiriin ah oo doonaya inay u gudbaan dhinaca UK. (VOA/Nicolas Pinault)]

Cabsi ay ka qabto dagaalka aan dhamaadka laheyd ee ururka Al-shabab ayaa ku qabsay Nimco Muuse Axmed, oo ah hooyo sabool ah oo laba caruur ah heysata inay Somalia ka soo cararto, oo ay soo marto saxaraha ugu balaaran dunida, ka dibna ay nafteeda ku soo biimeyso badweyn iyadoo ku safreysa dooni caag ka sameysan.

Nasiib darro, markii ay timid magaalada Vienna, oo loogu maahmaaho “Magaaladii Riyada” liiska magaalooyinka hodanka ah ee Qaramada Midoobayna kaga jirta xagga hore ayay Nicmo iska soo tuurtay dabaqa ugu sareeya ee dhismo ay qaxootigu dagan yihiin, iyadoo ku soo dhacday shub ka hooseeya dhismahaasi.

“Waxaan muddo ku jiray xaalad miyir dabool ah, waxaan ka jabay labada lugood iyo dhabarka,” ayay tiri Nimco, oo sharaxeysa dhibkii ka soo gaaray iskudaygii ay doonaysay inay isku disho xerada Traiskirchen oo horey u ahayd iskuul ardayda lagu baro madaafiicda oo ku taalla duleedka caasimadda Vienna.

Cabsidii ay ka soo qaxday Nimco Muuse ayaa isu bedeshay quus iyo niyad jab, gaar ahaan markii ay habeen habeennada ka mid ah ay ogaatay in codsigeedii magangalyada ay ku dalbatay la diiday, taasoo ay u aragtay xeyn daab kale oo ku hor gudbay rajadii ay ka qabtay nolol dhaanta tii ay ka soo qaxday. Nimco waxay sheegtay inay is madax martay markii ay ku soo kacday dagaal dhex marayay Somali, iyo Syrian ay xerada qaxootiga kuwada jireen oo ku dagaalamayay Mobile la xaday, waxaana dagaalkaasi uu ku riixay inay is disho.

“Xaalad naflacaari ah oo adag ayaan galay, waxaana iigu wacnayd inaan wali la i qaabilin,” Nimco ayaa sidaasi  ku catowday. “Dadka Afrika, gaar ahaan Soomaalida waxaan ku oran lahaa, Yurub waxba ma yaalaan ee ha ku riyoonina imaanshaheeda.” Ayay sii raacisay.

‘Waxan imika ogaaday xaqiiqda. Baraf da’aya, Afrika-ba kumaan gaajoon jirin, sida aan halkan ugu gaajoodo imika.’

– Nimco Muuse Axmed, Qaxootiga Soomaalida ee Austria

Wareysiga Nimco Muuse Ahmed oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee Vienna, Austria (VOA/Abdulaziz Osman)

Tusaalaha dhibaatooyinka ay muhaajiriinta Afrika ka yimaadaa la kulmaan markay Yurub tagaan, ayaa waxaa ugu muhiimsan sheekada Nimco Muuse, waana sheeko ka turmujaysa dhibaatada ay la kulmaan dadka badan ee colaado ama saboolnimo ay soo sal kiciyeen.

Sida inta badan muhaajiriinta halka malyuun kabadan ee Yurub galay sanadkii 2015-kii, raadinta ay Nimco Muuse raadinayso nolol wanaagsan waxay ka dhignayd inay ka soo tagto ehel – oo kaydkii yaraa ee ay haysteen ay ka soo qaadatay si ay ugu khamaarto dhimasho hirarka baddaha.— balse waxay ka dhaxashay iyadoo ku dambeysa hoy la’aan, Baasaboor la’aan, dowlad la’aan iyo dhul aysan dhaqane ahaan iyo cimillo ahaan garaneyn.

Si ka duwan qaxootiga Syria, Afghanistan, iyo kuwa Ciraaq oo ugu badnaa dadka tahriibka ku gala Yurub, Nimco waxay sheegtay in dadka Afrikanka ah ay la kulmaan faquuq. Xarumaha qaxootiga ama dadka lagu qaabillo, waxay sheegtay in qaxootiga Carabta ama Afghanistan ay afrikaanka ula dhaqmaan sida muwaadiin darajada labaad ah. Waxayna tusaale u soo qaadatay dagaalkii la xiriiray Mobile-kii la waayay ee ku dhaliyay iyada inay go’aansato inay qudha iska jarto. Nimco Muuse waxay sheegtay in maadaama qaxootiga Afghanistaniyiinta ama Syrian-ka ay ku jireen dad aqoon leh oo si wanagsan ula xiriiri kara masuuliyiinta xerada qaxootiga, in dadkii Afrikanka ahaa ee ay wada noolaayeen si xaq darro ah eedda loo saaray.

Main Sub-Saharan Migrant Destinations

Map based on European Commission sources indicates migrant destinations via Italy, through which the majority of sub-Saharan migrants arrive on European soil.

Siyaasad Jahawareersan.

Dadka qaxootiga ah ee sida Nimco Muuse oo kale ah, jawaabo fudur looma hayo. 28-ka wadan ee ku jira Midowga Yurub wali waxay la hardamayaan, qulqulkii qaxooti ee aan horey loo arag ee sanadkii 2015-tii qaaraddu ay wajahday. Hardanka la xiriira deynta dalka Giriigga lagu leeyahay, iyo weerarro aragixiso oo ka dhacay meelo ka mid ah Yurub, ayaa in xal loo helo siyaasad mideysan oo ku wajahan arrimaha qaxootigu waxay tahay mid aad u yar. Saadaalihii dhaqaale ee Yurub ee ugu dambeeyay ayaa muujinaya in saddax malyuun oo qaxooti dheeraad ah ay soo galayaan Yurub sannadka soo socda. Britain oo ka mid ah saddaxda dal ee ugu awooda roon Midowga Yurub ayaa qabaneysa afti dadka lagu weydiinayo inay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub iyo in kale, tallaabadaas oo gorgortan sii gelin karta  Midnimada Yurub ee lulaneysa.

Silig ku hareereysan dekedda Calais oo ku dheggan xerada muhaajiriinta “Howdka” magaalada Calais,France. (VOA/Nicolas Pinault)

Silig ku hareereysan dekedda Calais oo ku dheggan xerada muhaajiriinta “Howdka” magaalada Calais,France. (VOA/Nicolas Pinault)

Dadka dajiya siyaasadda Yurub xal deg deg ah uma hayaan mushkiladda imika taagan ee muhaajiriinta, inkastoo ay balan qaadeen inay dib u dejin siinayaan 160 kun oo qaxooti ah oo magangalyo xaq u leh, kuwaasi oo ay wadaagayaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub. Laakiin laga soo bilaabo 12-kii bishii December ee sanadkii tagay, 159 qof oo kaliya ayaa dib u dejin loo sameeyay. Dalka Canada ee Waqooyiga Americana, wuxuu soo dhaweeyay dayuurad siday qaybtii ugu horreysay ee 25 kun oo qaxooti Syrian ah 11kii bishii December, halka mudanyaasha Kongareeska Maraykanka ay isku diyaarinayaan inay mar labaad ka doodaan hindise madaxweyne Obama uu soo gudbiyay oo magangalyada siinaya 10 kun oo qaxooti reer Syria ah. Laakiin dhinaca ololaha doorashada USA, musharrixiinta tartamaya way ku kala duwan yihiin arrimaha socdaalka iyo muhaajiriinta.
Siyaasiga ugu cad-cad murashixiinta xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu xadidayo in Muslimiinta ah ay soo galaan Maraykanka, sidoo kale uu masaafurin doona Syrian-ka ku soo gala Maraykanka qorshaha Obama. Inkastoo uu Aqalka Cad u qaaday siyaasado la taaban karo oo dhinaca socdalka ah, hadana dadaalo fiiso lagu siinayay, Ciraaqiiin iyo Afghanistaaniyiin Maraykanka uga soo ahaa turjubaanno goobaha dagaalka ayaa xitaa gaabis galay.

Xerada muhaajiriinta ee loo yaqaan “Howdka” "The Jungle" ee magaalada Calais, France. (VOA/Nicolas Pinault)

Xerada muhaajiriinta ee loo yaqaan “Howdka” "The Jungle" ee magaalada Calais, France. (VOA/Nicolas Pinault)

Wadamada reer Yurub oo uu mid walba si gooni ah uga shaqeynayo codsiyada magangalyodoonka, ayaa xarumaha lagu qaabillo qaxootiga ee Talyaaniga iyo Giriigga, waxay noqdeen kuwo ku tiirsan taageerada ay ka helaan hay’addaha gargaarka caalamiga ah, dad mutadawiciin ah iyo dowladaha hoose ee meelaha ay ka furanyihiin.

“Maxay ku dhacday iyadoo mushkiladdan qaxooti ay socoto muddo billo ah in wali ay dad mutadawiciin ah ay gargaar siinayaan dadka qaxootiga ah ee soo gaaraya xeebaha Yurub”? Agaasimaha gargaarka deg-dega ah ee hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidaasi qoray mar uu booqday Giriiga. “Maxay ku dhacday in dad mutadawiciin ah ay wali gargaar naf-badbaadin ah ku siinayaan dadka so gaaraya jamaladda jaziiradda Lesbos, iyadoo dowladaha Yurub iyo ururada samafal ee ka dhisan aysan xitaa ugu deeqin hal ambalaas.”

Wargeysada qaar ayaa ka shanqadhiyay dhaleeceeynta ku wajahan xildhibaannada reer Yurub oo lagu cambaareynayo xal u helid la’aanta dhibaatada qaxootiga, gaar ahaan waddamada safka hore ee Giriigga iyo Talyaaniga.

“Maamulidda xadku wa mas’uuliyad saaran mas’uuliyiinta qaranka” sidaas waxaa email VOA ugu sheegay afhayeen Golaha Midowga Yurub. “Golaha Yurub iyo hay’addaha Midowga Yurub waxay dalalka ku jira galaha ka taageeraan maareynta arrimaha gudaha ka taagan, balse ma baddalanaan xubnaha golaha ku jira”

Booliis roondo ka sameynaya dekedda Calais ee ku dhow xerada qaxootiga “Howdka” "The Jungle" ee magaalada Calais, France. (VOA/Nicolas Pinault)

Booliis roondo ka sameynaya dekedda Calais ee ku dhow xerada qaxootiga “Howdka” "The Jungle" ee magaalada Calais, France. (VOA/Nicolas Pinault)

Marka laga soo tago siyaasadda Gudaha, Midowga Yurub wuxuu isku dayay wax ka qabashada – waxa sababa in dadku ay ka soo cararaan Africa. Bishii November, shir madaxeed looga hadlayay arrimaha tahriibka ayaa Midowga Yurub iyo Africa ay ku yeesheen Jaziiradda Malta, kasoo lagu yaboohay 1.9 bilyan oo doolar oo loo qoondeeyay in si deg deg ah wax looga qabto oo laga taageero dalalka Africanka din u celinta dadkooda soo barakacay. Malta oo ah jaziirad yar oo mar ahayd meesha ugu horreysa ee qaxootiga ay tagaan ayaa balan qaaday 270 kun oo dollar.

Bil kadib, saraakiisha Midowga Yurub waxay bilaabeen mashruuc 2 bilion oo dollar ku kacacay oo lagu xakameynayo dadka tahriibta sharci daradda ah kaga soo galaya Yurub dhinaca Africa, waxaana mashruucan uu shaqo abuuris iyo mashaariic horumarineed ka sameynayaa dalalka qaxootiga ugu badan ay ka soo cararayaan.

‘Waxaa jira malaayiin dadka madow ah oo iman lahaa badda Mediterranean-ka si ay ugu gudbaan France iyo Talyaaniga, Libya waxay door ka ciyaartaa amniga badda Mediterranean-ka”

– Moammar Gaddafi oo la hadlayay TV-ga France 24, March, 2011.

Qorshaha wax ka qabashada tahriibta badda Mediterranean-ka ayaa salka la galaya xilligii dhicitaankii Mucaamaral Gaddafi. Sanadkii 2011-kii wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Franco Frattini ayaa ku baaqay in labada qaaradood ay arrimahan isku duubni iyo iskaashi ka yeeshaan.

“Dalalka Midowga Yurub, quwadaha Aduunka iyo hay’addaha caalamiga ah sida Baanka Aduunka iyo hay’adda lacagta Aduunka ee IMF waa inay si deg deg ah u hirgeliyaan qorshe la mid ah kii wax looga qabtay mushkiladda dhaqaale ee Yurub”  Fratitini ayaa sidaas ku sheegay maqaal sanadkii 2011 uu ku qoray wargeyska Fanancial Times, isago sheegay in Yurb ay u baahan tahay qorshe la mid ah kii Mareykanka uu hormuudka ka ahaa ee dib u dhiska loogu sameeyay Galbeedka Yurub dagaalkii labaad ee aduunka kadib. “Qorshahan waa inuu isku keenaa dakhli badan oo o Yurub iyo caalami ah oo balaayiin dollar gaaraya, si loo casriyeeyo dhaqaalaha gobolka loona hor mariyo maalgashiga Yurub”

Frattini wuxuu saraakiisha Yurub ku dhiirigeliyay inay qaadaan darbiyada ganacsiga ee u dhaxeeyay dalalka badda Mediterranean-ka, Maraykankana lagala shaqeeyo istiraatiijiyadaasi oo ah mid doorkoodu muhiim yahay. Frattini wuxuu ku booriyay helitaanka tacliinta sare oo la kordhiyo – xoogga shaqaale oo la kordhiyo iyo in dhalinyarada u nugul laga bixiyo baylahda ay u yihiin ururada argagixisada, isagoo ku baaqay mashaariic tababar shaqo oo laga hirgeliyo dalalka badda Mediterranean-ka saaran. “Waana habka ugu fiican ee lagu joojin karo tahriibta sharci darada ah.”

Si la mid ah Mr. Frattini, mid ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha tahriibka ayaa qaba in dhibaatada aan looga bixi karin oo kaliya in shaqo abuur Africa laga sameeyo.

“Mushkiladda dhabta ah ayaa ah in wadan walba oo Yurub uusan ka go’oneyn inuu qorshe guud la yimaado” sababtoo ah waa inay u dhaqmaan wadiniyiin ka jawaabaya dareenka nacaybka ee dalalkooda gudihiisa ka jira.” Hein de Haas oo ka tirsan jaamacadda Amsterdam ayaa VOA u sheegay. Waxa uu sheegay in helista qaxooti uu difaacayo sharciga caalamiga ah ee Qaramada Midoobay iyo furfurnaanta sii kordhaysa ee dhaqaalaha Yurub ay taasi abuurayso dalabka xoog shaqaale oo jaban, oo aan la jaan qaadi karin tallaabooyinka xagga socdaalka ee ad adag.

“Dadku waxay ogaanayaan in 25 sanadood oo lagu dhegenaa fekerka ad adeyga Yurub inuu guul dareystay.” Hein ayaa sidaas yiri “Dadku way imaanayaan wax kasta oo dhaca, waxaana ka dhashay uun in dadka wax tahriibiya ay kordhaan, dhibaatada kuwa soo haajiraya oo sii badatay, iyo tirada dadka la diwaangeliyay ee badda ku dhimanaya oo korortay.”

Teendhooyinka muhaajiriinta ee ku dhex yaalla xerada "Howdka" "The Jungle", Calais, France (VOA/Nicholas Pinault)

Teendhooyinka muhaajiriinta ee ku dhex yaalla xerada "Howdka" "The Jungle", Calais, France (VOA/Nicholas Pinault)

Maadaama qorshahan Istraatiijiyadda Horumarineed uu u baahanyahay khariidad guud iyo waqti, iyo jiritaanka isku xirnaansho la’aanta hilooyinka dadka soo haajiraya iyo siyaasadaha ganacsi iyo socdaal ee Yurub uga degsan, ayaa Elizabeth Collett, oo agaasime ka ah Machadka siyaasadda Muhaajiriinta ee Gadhigiisu yahay Brussels, waxey soo jeedineysaa – in diiradda la saaro qorshe aan miisaan cusleyn oo beegsanaya dhaqaalaha gobolka.

“Siyaasad horumarineed oo ku dhisan qorshe baaxad weyn kaliya ma xaddidi karto tahriibka” sidaas waxay ku sheegtay wareysi ku saabsan siyaasadda socdaalka Midowga Yurub oo ay VOA siisay. “Laakiin waxaa jira waxyaabo mudada dhow ah oo aan lama huraan ahayn in agu xadido isu-socodka, laakiin la isku dayi karo in fursado loogu abuuro kuwa isku soo biimeynaya safarada mararka qaarkood guuldarrada ku dhamaada.”

Dabcan su’aashu waxay tahay in Midowga Yurub ay dib diiradda saari karaan dadaaladooda iyagoo ka shidaal qaadanaya waxii uu mar hore hindisay madaxweynihii Libya, Gaddafi ee ahaa sameynta warshado yar yar oo fursado shaqo u yabooha dadka Nimco Muuse oo kale ah, waxayna noqon kartaa aragti saddexaad oo ka hor istaagi karta dib ugu noqoshada noloshii adkeyd ee ay ka soo carartay iyo rafaadka ay ka mareyso abuurista nolol cusub oo ay Yurub ka hesho.

Noqosho ma Jirto 

Laakiin qorshyaasha xilliga dhow ee wax looga qabanayo tahriibka sharcidarada ah ayaa waxay noqon karaan kuwo aan rajo badan laga qabin, maadaama Libya oo ah halka ugu badan ee tahriibayaasha Africa ay Yurub u sii maraan ay qasantahay tan iyo markii la riday Gaddafi, waxaana xadadka Libya ee iska furan ay sii kordhinayaan dareenka nacaybka ah ee muhaajiriinta loo qabo ee ka jiro waddamo Yurub ah. Inkasta oo siyaasiyiinta jaangooya siyaasadaha socdaalka ay la lagdamayaan sidii ay ay xal u heli lahaayeen, ayaa waxaa dhici karta in jawaabuhu aanay la oolin xafiisyada federaalak Brussels, balse xalka laga heli karo meelaha barakacu uu ka bilowdo.

Peter Cobus oo Washington jooga ayaa warbixintan wax ku biiriyay.

Credits

Waxaa soo weriyey Abdulaziz Osman iyo Nicolas Pinault.

Waxaa Tifaftiray Peter Cobus.

Web design and development by Stephen Mekosh and Dino Beslagic.

Project management by Steven Ferri.

Content production by Teffera G. Teffera and Ezra Fessahaye.

Comments