Minnesota: Gacan-Haadiska ISIS iyo Dagaalka Soomaalida Maraykanka Kula Jirto Xagjirnimada


Waxa Qoray Harun Maruf iyo Mike Eckel

MINNEAPOLIS, Minnesota

Markii Dayib Axmed Cabdi uu yimid Maraykanka isaga oo la socda qoyskiisa 1996-kii, wiilkiisa Cabdifataax waxaa u ahaa qof madax-bannaan kuna socda jahada uu markiisii hore rabay, iyaga oo degay gobolka Minnesota oo ay ku sugnaayeen kumanaan qaxooti soomaaliyeed ah.

Bulshada Soomaalida ee Minnesota waxay kordheen 20-kii sano ee u dambaysay waxayna ilaa haatan gaarayaan 50 kun oo qof. Bishii Sebtembar boqollaal qof oo ay ka mid tahay Ilhan Issa, ayaa iskugu soo baxay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan weerarrada Al-Shabab. (AP)

Cabdifataax oo sidoo kale loo yaqaan Cabdiraxmaan Muxumad ayaa guursaday saddex xaas, waxaana uu dhalay siddeed carurur ah. Waxa uu tagi jiray meelaha lagu jimicsado ee jirka dhisa, isagoo sidoo kale kubadda kolayga ciyaari jiray. Waxaa uu ahaa qof qurux u dhashay oo soo jiidasho leh sida aabihii sheegay.

Sannadkii hore ayuu Cabdifataax ka dhaqaaqay reerkiisii wuxuuna u dhoofay Britain kadibna Siiriya si uu ugu biiro  dagaalka ay waddo kooxda mayalka adag ee ISIS.

Waxaa barta Facebook uu soo dhigay sawirro muujinaya isaga oo kitaab quraan ah wata isla markaana sita qoriga AK-47.

Bishii Ogosto ee sannakan ayaa la sheegay in lagu dilay Siiriya. Waxa uu ahaa 29 sano jir. Waxaanu noqday qofkii labaad ee Maraykan ah oo lagu dilo dagaalkaasi

“Aad ayaan uga murugooday, muxuu ka doonay dhulka carabta  ayaan is weydiiyay,” sidaas ayuu aabihiis u sheegay VOA, wuxuuna intaas ku daray. “Carabtu waxba nooma qaban, laakin Maraykanka ayaa na caawiyay, muxuu uga tagay dhulkan wanaagsan, aad ayaan uga murugaaday.”

Dayib Axmed oo la hadlayey dhalinyarada waxa uu yidhi: “Waxaan rabaa inaan u sheego dhalinyarada wareertay ee dalalka Carabta tagaya si ay waxaabo xun u soo sameeyaan inay khaldanyihiin, arrintan waa arrin waalli.”

Si aan hore u dhicin ayaa waxaa dareenka bulshada Maraykanka soo jiitay dhalinyarada ka dhoofaysa ee laga qoranayo Maraykanka si ay ugu biiraan ururada xag-jirka ah una galaan dagaalka, iyada oo laga cabsi qabo in markay soo noqdaan ay gudaha Maraykanka weerarro ka fuliyaan.

Bishii Julay 18,  Maxamed Maxamuud, 19, waxa uu aabihiis u sheegya inuu horey u tagayo masaajidka Jimacaha darteed. Laba maalmood kadib waxa uu farriin kasoo diray Istanbul uu ku leeyahay waxaan ku biirayaa “walaalahay” Siiriya. Dabayaaqadii Sebtembar waxaa lasoo sheegay in lagu dilay Siiriya (VOA)

Arrintan ayaa imanayasa iyada oo ku dhawaad 100 dhalinyaro Maraykan ah ay u dhoofeen Siiriya tan iyo sannadkii 2011-ka. Madaxweyne Barack Obama ayaa arrintan cabsida abuurtay si cad uga hadlay 10-kii bishii Sebtembar ee sannadkan waxaana uu yidhi:  “Dhalinyaradan tababarka qaadatay ee dagaallada soo bartay waxaa dhici karta inay isku dayaan inay dalkooda ku soo laabtaan si ay weerarro halis ah u fuliyaan.”

Dadka u dhoofay Siiriya waxaa ku jira ugu yaraan 13 dhalinyaro oo Soomaaliya ka soo jeedda kuna noolaa gobolka Minnesota sida ay VOA qiyaastayna waxaa ka mid ah dhalinyaradaasi ugu yaraan laba gabdhood.

Bishii Oktoobar 19-keedii ayaa la qabtay laba gabdhood oo asal ahaan Soomaali ah iyo gabadh asal ahaan u dhalatay Suudaan kuna noolaa magaalada Denver ee Gobolka Colorado dalkan Maraykanka iyagoo u socday Siiriya, waxaana lagu qabtay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Laakiin Soomaalida Maraykanka kuma cusba dhibaatadani sabatoo ah intii u dhaxaysay sannadhii 2007-2010-ka in ka badan 20 dhalinyaro ah ayaa u safartay Soomaaliya si ay ugu biiraan waxa ay al-Shabab ugu yeedhay “jihaadka” Geeska Afrika.

Arrintani ayaa haddaba mar kale bulshada kusoo jeedisay indhaha haydaha amniga ee gobolka. Xeerbeegti ayaa xilligan ka baaraan degaysa cidda ka dambaysa in dhalinyaradan ay baxaan oo ay ku biiraaan kooxaha xagjirka ah, waxaana xeerbeegtidu ay dhagaysanayaan markhaatiyaal.

Waayo-aragnimada bulshada Soomaalidu waxay qayb yar uun ka tahay caqabadaha ka taagan ka hortagga xagjirnimada, waxayna bidhaaminaysaa inay jirto is-aaminaad la’aan ay ka faa’iidaysanayaan kuwa dhalinyarada ku qancinaya xagjirmada: ha aahaadaan kuwa tagaya Soomalaiya ama Siiriya. Qaar waxay u arkaan arrintaasi inay astaan u tahay sida ay dawladda Maraykanka ugu guuldarraysatay inay wax ka qabato sababaha lala xiriirinayo xagjirnimada – oo ay ka mid yihiin faquuq ay dareemayaan bulshooyinka qaar iyo faqri.

Burburkii Soomaaliya

 

In ka badan 20 sano Soomaaliya waxaa ragaadiyey dagaallo sokeeye, macluul, faragelin sisheeye, qabaa’illo dagaalamaya iyo fikradaha xagjirka ah iyo beesha caalamka oo aan kala jeclayn, arrimahaasi oo is biirsaday waxay waddanka ka dhigeen in lagu tilmaamo inuu astaan u yahay “waddan guuldarraystay.”

Markii ay dawladdu burburaty sannadkii 1991-kii Soomaali badan waxay ka qaxeen dalka. In ka badan 1 milyan iyo 500 oo kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa kala jooga dacallada dibedda. Kuwaasi 50 kun oo ka mid ah waxay ku sugan yihiin magaalooyinka Minneapolis iyo St Paul iyo magaalooyinka kale oo gobolka Minnesota.

Qaar badan oo ka mid ah qaxootigaas Minnesota waa ay soo dhowaysay laakiin haddana way dareemayeen qalo. Qoysaska Soomaalida waxaa si ka badan bulshooyinka kale ee Gobolka ugu badan shaqo la’aanta, faqriga, dhibaatooyinka maskaxda caafimaadka iyo fal-dambiyeedyada dhinaca sharciga. Dadka bushada u dhaqdhaqaaqa waxay ku qiyaaseen ilaa 3 kun oo rag Soomaaliyeed ah inay ku lug yeesheen fal-dambiyeedyo – waxayna iskugu jiraan kuwo la qabtay ama la xiiray iyo kuwo xabsi kasoo baxay; 20% bulshada Soomaalida ah shaqooyin ma haystaan. Tirokoob ay samaysay hay’ad Maraykan ah waxaa lagu ogaaday in 50% dadka Soomaalida ah ee shaqaysan kara oo keliya ay shaqooyin haystaan.

Sida ku dhacday bulshooyinka kale ee Muslimka ah dalkan Maraykanka Soomaalida waxaa sidoo kale il gaar ah ku eegayey hay’adaha amniga wixii ka dambeeyey weerarkii Sebtembar 11-keedii ee sannadkii 2001.

“Caqabadaha na hortaagan waxay yihiin: waxaan nahay qaxooti, madaw ah, Muslim ah,” ayey tidhi Fartuun Weli oo ah gabadh 43 jir ah oo aasaastay hay’ad caawisa haweenka Soomaalida, “Kuma tiirsanaan kartid nidaamka gargaarka ee dawladda ama adeegyada kale ee ijtimaaicga ah sabatoo ah taasi waa mid ka mid ah siyaabaha lagu burburin karo bulshadayada, sababtoo ah waxay horseedaysaa faqri iyo inay dadka qaar noqdaan argagxisio.”

Dhalinyarada Soomaalida ah ee lagu dhex tuuray iskuulada dawladda iyo xaafadaha dadku ku badan yihiin ee Minneapolis sida Cedar-Riverside waxaa kasoo dhexbaxay kooxo dibjiriin ah oo iskugu muujiyey inay difaac u yihiin, waxaana ka mid ah kuwo la magacbaxay “Somali Hot Boyz” iyo “Madhibaan with Attitude.”

Dad badan oo Soomaali ah si dhib tartiib ah ayey ula qabsanayaan nolosha Maraykanka, laakiin kuwo kale waxay la kulmeen faquuq taasi oo fursad siisay kooxaha ay ka midka yihiin Al-Shabab iyo ISIS. Sawirkan oo la qaaday Sebtembar. 27, 2013, waxa uu muujinayaa dhalinyarada ciyaarasa kubadda kolayga ka hor bilowga bannaabax looga soo horjeedo argagixisada. (Reuters)

Kooxaha dibjiriinta ah waxaa ku adkaatay booliiska inay dhex galaan taasoo qayb ka ah kalsoonidarrada jirta – kuwaasi oo sahla in dhalinyarada ku biiraan xagjirnimada, sidaas waxaa yidhi Waheid Siraach, oo ah saajin ka tirsan booliiska isla markaana aasaasay Isbahaysiga Booliiska Somaalida Maraykanka ah.

Qofka Soomaaliga ah ee galay kooxahaas dibjiriinta kadibna xabsiga soo mara, inta badan waxa uu la kulmaa jahawareer, sida uu sheegay Siraach: Dhalinyaradaasi waxaa cambaarayn uga timadaa dhinaca bulshada, waxaa ku adkaata inay shaqooyin helaan fal dambiyeedka ay galeen darteed, waxayna baylah u yihiin kuwa ku qaldaya inay u leexdaan dhinaca dagaalka oo ay “jihaad” diini ah galaan. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada tagtay Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2007-2010 waxa diiwaanka u gashay inay galeen fal dambiyeedyo.

“Waxa loo baahan yahay in la xoojiyo jawaabta laga bixinayo dibjirnimada isla markaana la gaadhsiiyo heerka amniga qaranka” ayuu yidhi Siraach. Dadka dhalinyarada u qora kooxaha mintidka ah waa dad ay adag tahay in xogtooda la ogaado. Waxay dhalinyarada ka xadayaan maskaxda, iyaga oo raadsanaya dadka nugul ee duruufaha kala duwani haystaan sida kuwa ay haystaan dhibaato qoyska ah ama fal dambiyeed leh….marka aad gaartid heer aadan waxba kala jeclayn waxaad tahay qof nugul.” ​

Markii qofka dhalinyar ah uu nugul yahay waxay qaadan kartaa wax gaadhsiisan laba ilaa lix bilood in xagjir laga dhigo, ama lagu qanciyo inuu u safro Siiriya ama Soomaaliya, inuu dagaal galo ama diinta si xagjir ah u turjumo, sdaasi waxaa yidhi Bob Fletcher, oo hore taliye booliis uga soo noqday magaalada St. Paul ee Minnesota haatana waxa uu maamula xarun daraasad ku samaysa arrimaha Soomaalida.

“Caruurtu wey kala duwanyihiin – waxay isugu jiraan kuwo xun iyo kuwo wanaagsan, laakiin waxa guud ee ay wadaagaan ayaa ah dareen ka dhex guuxaya oo ah inay bulshada ka faquuqanyihiin, taasi waa wax dhalinyaradan oo dhan ay qabaan.”

“Dalka Siiriya markaad eegto, looma qorto dhalinyarada inay la dagaalamaan dowladda oo kaliya, waxaa loo askareeyaa inay halkaa tagaan oo ay dhisaan mujtamac cusub, dowlad cusub, kaabayaal dhaqaale oo cusub.”

Fletcher waxa uu leeyahay dhalinyaradu waxay halkaa u aadayaan iyagoo si niyad ah u aaminsan inay ku socdaan dariiq xaq ah oo ay diintoodu farayso.

Ka sokow guuldarrooyin la gaadhsiiyey iyo go'doon caalami ah oo la geliyey ururka Al-Shabab, haddana qaybo ka mid ah waddanka weli Al-Shabab ayaa ka talisa. Sawirkan oo la qaaday Sebtembar 2014 Al-Shabab waxay dhoolatus ku samaynayaan magaalada u dhow Muqdishu ka hor inta aan laga saarin. (VOA/Radio Al Furqaan)

Xiriirka Al-Shabab

Sannadkii 2006-dii ayaa ururka Al-Shabab oo ka mid ahaa Maxaakimta Islaamiga waxa ka dhex abuurmay dhalinyarro xagjir ah oo sharciga Islamka si khaldan loogu turjumay.

Markii dambe waxey halis geliyeen dowlad ku meelgaadhka ahayd oo beesha caalamku ay taageertay oo fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo. Dawladda Itoobiya oo baqdin ka qabtay dowlad Islaami ah oo Al-Shabab ay hogaanka u heyso oo deris la ah, ayaa milatarigeeda u dirtay Somaaliya, iyadoo taageero ka heysatay Mareykanka.

Si ay ula dagaalamaan ciidamadaasi ka socday Itoobiya waxaa qeyla dhaantoodii ku aadaneyd taageero ay u doonayeen in Soomaaliya laga saaro Itoobiya  ay gaartay jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha, oo ay ku jireen jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalooyinka mataanaha ah ee Gobolka Minnesota  ee dalkan Mareykanka.

Qaar dhalinyada Soomaalida ee gobolka ka mid ah ayaa u aaday Soomaaliya si ay Al-Shabab uga bar bar dagaalamaan. Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha diinta ayaa si cad ugu tilmaamay dagaalka lala galay Itoobiya inuu ahaa “Jihaad”. Dadkii baaqa Al-Shabab ka jawaabay waxaa ka mid ahaa in ka badan labaatan dhalinyaro ah oo ka tagay Mareykanka.

Dhalinyaradaasi waxaa ku jiray Shirwac Ahmed oo 27 sano jir ahaa oo Minnesota ka tagay – kana qalin jebiyay Dugsiga Sare ee Roosevelt High School ee magaalada Minneapolis.

Bishii October sannadkii 2008-dii ayuu Shirwac noqday qofkii ugu horeeyay ee heysta dhalashada Mareykanka oo ismiidaamiya.

Muddada u dhaxaysa 2007 – 2010 laamaha amniga waxay la socod ku hayeen masaajiddada, waxay qorteen dadka xogta usoo tebiya waxayna waraysteen dad kala duwan. Dad badan oo Soomaali ah waxay ka dacwoodeen in loo gaystay hagardaamo iyo faquuq.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar oo Imaam ka ah Masaajidka Abuubakar Al-Sidiiq ee magaalada Minneapolis waxaa lagu daray liiska dadka aan safri karin taasi oo uu ku tilmaamay mid caddaalad darro ah. Sheekh Xasan Jaamici Imaamka Masjidka Dacwa ee magaalada St. Paul waxa uu sheegay inuu aad u neceb yahay in carruutiisa oo ag joogta la fatasho jidhkiisa marka uu safrayo..

“Ma jecli inay carruurtayda arkaan aabahood oo dadka kale laga soocay oo suunka laga bixiyey, kabaha laga saaray, qof kalena uu meel kasta ka taabanayo oo ay ku jiraan meelo aan munaasib ahayn, iyaguna ay i fiirsanayaan,” ayuu yidhi Sheekh Xasan Jaamici.

Haween xiran dharka islaamka ayaa salaadda ku hor tukanaya dhismaha maxkamadda Okt. 20, 2011, ka hor inta ana xeerbeegti dambi ku helin laba dumar ah oo loo haystay inay kaalmo dhaqaale siiyeen koox argagixiso ah. (AP)

Bishii Oktoobar ee tagtay, galab fiid ah ah ayaa dad Soomaali ah oo iskugu jira rag iyo dumar ay isugu yimaadeen xarunta Sabathani Community Center oo ku taalla Koonfurta Minneapolis si ay booliiska ula wadaagaan eed iyo ammmaan labadaba, waxaana dadka shirka joogay ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Gobolka Andrew Luger oo isku dayaya inuu wax ka qabto is aamin-darrada.

“Waxaan ka nimid dagaal. Ma doonayno inay carruurteenu dib ugu laabtaan dagaalka,” ayey tidhi mid ka mid ah haweenka kasoo qaybgalay shirka.

Laakiin markii uu Luger tilmaamay in qofkii Soomaali ah ee safray una soo dagaalamay kooxaha Soomaaliya ama ISIS in maxkamad lala tiigsan doono markii ay soo laabtaan dhowr ka mid ah haweenka ayaa madaxa ruxay kadibna hoos wax iskugu sheegay iyaga dhexdooda.

“Ma doonayo dadku inay ka cabsadaan shaqada aan qabanayo,” ayuu yidhi Luger. “Sida keliya ee aan ku joojin karno waa inaan wada shaqaynaa, aan isku kalsoonaano, wadahadlkana la joojin.”

Bishii hore wiil asalkiisu yahay Soomaali balse Maraykan ah oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Maxamuud ayaa lagu xukumay 30 sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyey inuu doonayey inuu bam ku qarxiyo goob lagu xuso ciidaha Masiixiga magaalada Portland ee Gobolka Oregon bishii Nofembar sannadkii 2010-ka. Waxaa la qabtay kadib markii waalidkiis ay la xiriireen hay’adda dambi baarista ee FBI ayaga oo ka cabsi qabay inuu xagjir noqdo. Waalidiinta iyo ehelada wiilka ayaa markii dambe ku dacwooday in lagu hoggaamiyey wiilka eedaha loo soo jeediyey oo sidaasna ay samaysay hay’adda FBI oo iyagu danaynay oo keliya inay qabtaan dad argagixiso ah, sida ay ku doodeen.

Cabdi Maxamuud Nuur waxaa is beddeshay dabeecaddiisa isaga oo noqday qof aamusan kadib marki uu bilaabay tegista masaajid ku yaalla Bloomington, koonfurta Minneapolis. May 30, maalin kadib markii uu baxay waxa uu farriin ka soo diray Turkiga uu ku leeyahay waxaan ku biirayaa “jihaadka“ Siiriya waxaana raadsanayaa “jano“. Asxaabtiisu waxay sheegeen in maskaxdiisa lagu beddelay muddo kooban. (VOA)

“Waxay ku hor joogsanayaan adiga  oo guriga u socda oo shaqada ka yimid, waxayn nagu odhanayanaan, ‘Magacaagu waa Maxamed waxaadna u socotaa masaajidka. Run miyaa inaad tahay argagixiso?’” sidaas waxa VOA u sheegay Yaasiin Maxamed oo 14 sano jir ah oo wax ka barta masaajidka Dacwa. “Waxyaabahaas oo kale ayaa abuuraya cadhada, nacaybka iyo is-aamin darrada ka dhaxaysa labada dhinac…Soomaalida iyo FBI.”

Hase yeeshee booliiska iyo FBI way caddahay mas’uuliyadda saaran. Waxay doonayaan inay helaan wada shaqaynta bulshada Soomaalida si ay u aqoonsadaan kuwa dhalinyarada ku daraya xagjirnimada. Balse dhinaca kale waxay ka feejigan yihiin argagxisada gudaha.

“Inaad u sheegtid inaysan idinka cabsan waa arrin…waxaa ka soo jirtyay halkan in wax aan sidaas u weynayn loo yeelo sawir kale,” ayuu yidhi Peter Erlinder oo ah looyar ka hawlgala magaalada St. Paul oo qareen usoo noqday dad Soomaali ah. “Dhinaca kalena laamaha amniga qofna ma doonayo inuu noqdii kii isagu shaqada xafiiska hayey markii qaladku dhacay. Dhibaatadu waa taas.”

Cabsida weerarrada kelidii-duulka

Al-Shabab ayaa dhowaan soo saartay cajalad kasoo muuqatay bogagga internetka ee jihaadiga oo loogu talogalay dhalinyarada qurbaha in lagu soo jiito. Cajalada waxaa ka muuqda rag ku hubaysan qorayaha AK-47 oo gaardinaya watana calanka madow.

Ninka dhex hadlaya cajaladda ayaa isaga oo fadhiya lugaha is weydaarsanaya waxaana isaga oo ku hadlaya luqadda Ingiriiska uu akhrinayaa hadallo tix ah oo dhalinyarada ugu baaqaya inay kusoo biiraan Al-Shabab.

Cajaladdu waxay ku dhammaanysaa tikidh diyaaradeed oo ay ku dul qoran yihiin ereyada “Duulimaadka xiga ee Muqdishu; qofka keliya ee hadhay waa adiga.”

Waa mid ka mid ah cajalado badan oo lasoo dhigo baraha internetka iyadoo farriimaha ay sidaan ay yihiin inay kasbadaan maskaxda dadka dhalinyarada ah.

Arrinta ku saabsan cajaladaha lasoo dhigayo internetka ayaa noqotay haatan wax ay kusii jeedaan indhaha hay’adaha amniga, mana aha wax ku eg xaaladaha ka taagan Siiriya iyo Soomaaliya balse sidoo kale waa cajaladaha lala xiriirinayo inay sabab u yihiin xagjirnimada dhalinyaro badan sida kuwa ka dambeeyey qaraxyada sannadkii 2013-kii lala beegsaday magaalada Boston ee dalkan Maraykanka.

Kumannaan haween Soomaali ah oo ka kala socda Minneapolis iyo magaalooyinka ku xeeran ayaa iskugu yimid xarunta shirarka Aug. 31, shir sannadeed uu qabanqaabiyey masaajidka Abubakar As-Siddique Islamic Center. (VOA/SOM-TV/Siyad Salah)

Wasaaradda Caddaallada ee dalkan Maraykanka, FBI, Xarunta La-Dagaalanka Argagxisada iyo Wasaaradda Amniga Gudaha waxay dhowaan ku dhowaaqeen mashruuc tijaabo ah oo laga dhaqangelinayo saddex magaalo oo kala ah Minneapolis, Boston iyo Los Angeles, kaasi oo lagu doonayo in lagu ogaado asalka sababaha ka dambeeya xagjirnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha dhaqaale iyo qoysaska dareemaya inay ka soocan yihiin bulshada inteeda kale.

“Dadka ku sugan Siiriya, Ciraaq iyo meelaha kale ee doonaya inay dhalinyaradan duufsadaan waa dad caqli badan,” ayuu yidhi Luger waraysi uu siiyey VOA. “Waxay taabanayaan laabta dhalinyaradan waxayna ku qancinayaan inay heli karaan nolol fiican, nolol macno leh haddii ay ku biiraan kooxahan. Waa inaan la nimaadnaa dadaal ka badan farriinta ay gudbinayaan.”

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka Jeh Johnson markii uu dhowaan booqday Minneapolis waxa uu la kulmay cabashooyin ay usoo gudbiyeen Soomaalida gobolka oo ay ka mid yihiin faquuq, dabagal iyo fatashaad garoomada ah. Kulan uu 7-dii Nofembar kula yeeshay hoggaamiyayaasha bulshada magaalada Johnson waxa uu codsaday dhinaciisa iskaashiga bulshada.

“Na caawiya si aan idiin caawiyo. Taas uma arko inay tahay dabagal,” ayaa yidhi. “Waddo cad ayaa u dhaxaysa ficil shaki abuuri kara iyo inaad qabsataan hawlaha aad caadada iyo dhaqanka u leedihiin. Ma doonayno inaan abuurno xaalad shaki iyo cabsi ah.”

Cabdi Maxamud Nuur oo ah wiil 20 jir ah waxa uu jeclaa kubadda kolayga balse waxaa dabcigiisu isbeddelay kadib markii uu ku biiray dugsi ku yaalla xaafadda Bloomington. Walaashiis Ifraax waxay VOA u sheegtay in Cabdi la waayey 29-kii May ee sannadkan kadibna maalintii xigtay uu farriin qoraal ah kasoo diray Istanbul isaga oo leh “waxaan ku biiray jihaadka Siirya waxaana raadinayaa janno”.

“Waxaan isku daynay in booliiska Turkigu ay qabtaan inta ay FBI ka imanayso. Waxa uu ku yidhi dadkii huteelka joogay uma iman Turkiga in la igu carqaladeeyo huteelka, isla markiina wuu ka guuray,” ayey tidhi Ifraax.

Arrinta muhiimka ah ayaa doorka culimada iyo masaajiddada ay ciyaari karaan. Dhowr sano ka hor Sheekh Cabdirahmaan Cumar iyo Sheekh Xasan Jaamici waxay ka mid ahaayeen culimo badan oo Soomaali ah oo taageeray in Soomaalidu la dagaalamanaan ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya, tallaabadaas oo Sheekh Xasan Jaamici uu difaacay.

 

Soomaali badan ayaa dhib kala kulantay la qabsiga dhaqanka Minnesota inkastoo Gobolku sumcad ku leeyahay furfurnaanta iyo soo dhoweynta. Sawirkan waxa ka muuqda Soomaali badan oo salaadda taraawiixda ku tukanaysa xarunta shirarka Minneapolis July 4, 2014. (VOA/SOM-TV/Siyad Salah)

 

“In Itoobiya lala jihaado xilligaas markii ay kusoo duuleen Soomaaliya waxay ahayd waajib, qofna yaan maskaxdiisa shaki ka gelin. Kaasi waxa uu ahaa jihaad sharci ah,” ayuu sheegay mar uu ka qaybgalayey dood ay VOA qabatay.

Hase yeeshee ururka ISIS oo sidoo kale loo yaqaan IS ama ISIL farriinta ay dhalinyarada ka iibinayaan waa inay jihaad galaan inskatoo ay qaddiyadu ka duwan tahay tan dhalinyarada lagu kiciyey markii ay ku biirayeen Al-Shabab iyo xataa tan Al-Qaeda.

Sannadkii 2011 dhowr dhalinyaro ah oo tegi jiray masaajidka Sheekh Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku eedeeyey culimo soo booqatay inay yihiin murtadiin. Mid ka mid ah dhalinyarada ayaa mas’uul wejiga ka feedhay taasina waxay keentay in loogu yeedho booliiska raggaasna laga mamnuuco masaajidka dhismihiisa.

Dhowaan saraakiisha masaajid ku yaalla xaafadda Bloomington oo lagu magacaabo Al-Farooq Youth and Family Center waxay waceen booliska kadib markii ay uga shakiyaan nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Masar inuu isku dayey inuu dhalinyarada maskaxda ka beddelo. Mas’uuliyinta masaajidka waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin macaamilka uu ninkaasi la samaynayey dhalinyarada waxayna ka mamnuuceen dhismaha masaajidka.

Sheekh Cabdiraxmaan Cumar waxa uu VOA u sheegay inuu la yaabay markii uu maqlay in dhalinyaro Soomaali ah ay tagayaan dalka Siirya, waxana uu cambaareeyey labada urur ee ISIS iyo Al-Shabab.

“Waxay dhaawacayaan Islaamka iyo muuqaalka Islaamka,” ayuu u sheegay VOA.

Isaga oo ka hadlayey dhalinyarada ku biiraysana waxa uu yidhi: “Waxa laga yaabaa in dhaawicii dagaallada sokeeye uu weli maskadooda ku jiro, sidaasi darteed markii ay maqlaan in meel dagaal ka socda ayay iska aadayaan,” ayuu yidhi.

Dhinaciisana Sheekh Xasan Jaamcii waxa uu beeniyey in dadka ku cibaaydaysta masaajidka Al-Dacwa inay tageen Siirya. Balse waxa uu sheegay in haddii ay dad goostaan inay tagaan in aysan ka dhignayn in masaajidkiisu mas’uul ka yahay.

“Albaabka masaajidku qof walba waa u furan yahay. Ma weydiino dadka meesha ay ka yimaadeen, marka aan albaabka masaajidka furno ma weydiino ‘Adigu ma waxaad la soctotaa ISIS mise Al-Shabab?’ Ma weydiin karno,” ayuu ku yidhi waraysi uu siiyey VOA. Qof kasta ayaa iman kara, kuwa yimaada waxaa laga yaabaa mid ama laba inay baxaan laakiin annagu mas’uul kama nihin, umana sheegno inay baxaan oo ay dad kale dilaan. Taas beddelkeeda ayaan u sheegnaa.”

Has eyeeshee xubno kale oo bulshada ah ayaa ku doodaya in masaajiddadu ay dadaal intaas ka badan qaban karaan.

“Laba arrimod ayaa u baahanyahay in la sheego: Bulshada Soomaalidu way ka baqaysaa inay qabato waxa sahlan marka hore, mas’uuliyaddoodana kama soo baxayaan,” ayuu yidhi Cabdisalaam Kaytoon oo ah ganacsade kana mid ah dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa xili uu ka qaybgalayey shir ka dhacay Minneapolis bishii Sebtembar 18-keedii. “Marka labaad saddex qaybood oo taabanaya nolosha carruurta ayaan ka soo bixin mas’uuliyaddooda: iskuulka, guriga iyo masaajidka.”

Hadal kaas u dhow waxaa isna sheegay mid ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaan Gobolka.

“Haddii fikraddan dhahaysa ‘keligay ayaa Muslim ah’ aan laga soocin Islaamka saxda ah dhibaaadan way soconaysaa,” ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo Imaam ka ah Masaajidka Daar Al-Hijra ee magaalada Minneapolis. “Waxaa loo baahan yahay inaynu cod awood leh ku dhahno ma aha waxani Islaam, ma matalaan Islaamka, waxa ay samaynayaan qayb kama aha Islaamka.”

Sixitaan: Warbixintani waxay sifo qalad ah ka bixisay “barnaamijyada tijaabada” ah ee Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha kale ay ka wadaan magaalada Minneapolis. Ujeeddada ugu weyn ee barnaamijkaasi waa in wax laga qabto asalka sababaha keena xagjirnimada, gacansiinta hindisayaal cusub oo ay ka mid yihiin shaqo-abuuris, tababaro xirfadeed, talosiin, barmijyada kobcinta waxbarashada xilliga iskuulka kadib iyo waxyaabo kale.

Credits

Waxaa Qoray soona Weriyey Mike Eckel iyo Harun Maruf

Waxaa Qaabeeyey soona Saaray Mike Eckel

Naqshadda Stephen Mekosh iyo Dino Beslagic

Muuqaalka Abdi Mahamud

Soo Saarista Muuqaalka Saqib Islam

 

Comments