Ku Biiritaankii IS

Waa sheekada nin u dhashay Turkiga oo baranayey cilmiga xiddigiska kuna biiray ururka IS

Rasid Tugral waxa uu taageerayaal badan ku lahaa baraha bulshada, waxaa uu dadka raaca la wadaagi jiray sawiro lala ashqaraaro oo uu qaaday xilli habeen ah, gaar ahaan kuwa uu ka qaaday Turkiga xilli habeenkii ah oo ay ka muuqdo iftiinka dhismayaasha, iyo fallaaraha xiddigaha xilliga gudcurka oo isqabsaday. Waxa sawirrada uu qaaday qaarkood lagu daabacay bogga internetka ee majalladda National Geographic. Waxa uu dhiganayey jaamacad lagu barto cilmiga fisigiska gaar ahaan barashada xiddigaha. Waxa uu ahaa nin qurxoon, caqli badan, bulshaawi ah, doonaya in kolba wax cusub uu barto, waxaana u gacan haadinayey mustaqbal wanaagsan iyo barashada culuunta hawada sare.

Hase yeeshee Tugral wax kale ayuu isagu u hanqal-taagayey. Waxa uu ahaa nin Muslim ah oo kasoo jeeda qoys muxaafid ah waxaana uu caadaysatya inuu booqdo shabakadaha jihaadiyiinta. Tugral waxa uu turjumaadda ay kooxahaasi ka bixnayaann jihaadka ku qaadday niyaddaa. Horraantii sanandkii 2015-kii waxa uu ka dhuuntay qoyskiisa iyo noloshii wanaagsanayd ee uu ku noolaa, waxaana uu ku biiray ururka ISIS ama Daacish ee ka dagaalama waddama Ciraaq iyo Siiriya.

Dhammaadki bishii Ogost-na Tugral waa uu geeriyooday, waxaana uu dhintay isaga oo u dagaalamaya ISIS. Da’diisu waxay ahayd 27 sano jir.

Kumannnaan dhalinyaro Muslimiin ah oo ay soo jiidatay dacaayadda iyo fikaradda ISIS ayaa u safray mandiqaddaasi kuna biiray kooxda isku magacawday Khaliifada Islaamiga ah ee ka jirta mandiqaddaasi. Hase yeeshee sheekada Tugral waxay ka duwan tahay kuwa kale ee ku biiray, sababtoo ah qoraalka badan, diiwaanka iyo sawirrada ku saabsan nolishiisa ee uu ka tagay taasi oo uu ururinayey in ka badan 10 sano.

Tugral waxa uu qaaday sawirka isagoo ku sugan meel wax laga fiirsado oo ku taalla TÜBİTAK National Observatory, Antalya, Turkey, waxana uu sawirka ku daabacay Facebook Oct. 7, 2014.

Tugral waxa uu qaaday sawirka isagoo ku sugan meel wax laga fiirsado oo ku taalla TÜBİTAK National Observatory, Antalya, Turkey, waxana uu sawirka ku daabacay Facebook Oct. 7, 2014.

Sannadihii lasoo dhaafay Tugral waxa uu ka tagay taariikh sawirro ah oo isaga ku saabsan shaqsiyaddiisa, sawirrada bisado iyo muuqaallo soo jiidasho ah oo ku saabsan hawada innagu wareegsan iyo diinta Islamaka, waxaana uu weeraro u gaysan jiray dadka aan Islaamka ahayn. Waxa uu diiwaangeliyey noloshiisii ISIS maalin walba – laga bilaabo xilliga uu caajisnaa ee uusan waxba qabanayan, mar uu ku jiray tababar adag iyo isaga oo ay sigeen duqaymaha dhinaca cirka ah. Waxa uu si weyn u difaaci jiray ficillada arxandarrada ah ee kooxdaasi ay kukici jirtay sida qoorgoynta iyo haweenka loo haysto galmo keliya.

Mid ka mid ah farriimaha uu ku qoray Facebook waxa ay odhanayasay: “Qofka dhinta isaga oo aan dagaalamin jihaad waxa uu dhintay isaga oo munaafaqa ah,” waxa na uu soo xiganayey xadiith, oo ah hadallada laga soo xigtay Nebi Muxammad NNKH. Culimada diinta islaamka oo uu ka mid yahay Maxamed Cabdilfadal waxay ku qansacsan yihiin in kooxaha xagjirka ah ay beddeleen dinta islaamka iyo macnaha jihaadka, iyo in dhab ahaan diinta islaamku ay cambaaraysay argagixisada iyo weerrada loo gaysto dadka rayidka ah.

Haddaba maxaa ku hoggaamiyey Tugral inuu qaado jidkaas xagjirnimada ah ugu dambaynna ku dhinto gacan ka hadal? Weriyayaal ka tirsan VOA ayaa isku dayey inay su’aalo helaan iyaga oo si dhow u darsay qoraalladii baraha bulshada ee Tugral, iyo warqad 14 bog ah oo uu qoray intii uu ku sugnaa Siiriya oo laga soo turjumay afka Turkiga. Weriyayaashaasi waxay sidoo kale waraysteen saaxiibadiisii, dadka ay isla soo shaqeeyeen, waxay kaloo waraysio gaaban la yeesheen aabihiis.

Jihaadku ma ahayn jidkii uu Tugral ka bilaabay nolishiisa qaangaarnimo, sidoo kale ma aha wax laga sii dhadhansan karayey noloshiisii farxadda, caqliga iyo doonista ku dheehnayd ee uu ku jiray. Nolosha iyo geeridiisa dambe waxay tusaale u tahay yabooha beenabuurka ee ay jeedinayso aydiyoolajiyada IS oo ay ku lumeen dhalinyaro badan oo Muslimiin ah.

Waxa uu ahaa ilmaha labaad ee qoys leh saddex carruur ah, Tugral waxa uu ku koray xaafadda Sincaan ee magaalada Ankara, waxana uu kasoo jeedaa qoys ay qiimo ugu fadhiyo waxbarashasda iyo diinta. Aabihiis waxa uu haystaa shahaadada PhD oo uu ku qaatay qoraallada iyo suugaanta Tuirkiga waxaana uu wax ka dhigaa dugsi saree. Walaalkiis ka weyn waa Injineer farsamada barnaamijyada kombiyutarrada ku shaqeeyaan, waana abwaan, walaashiis ka yar waa ardayad, adeerkiisna waa professor dhiga xisaabta.

Aabihiis Suleyman Tugral waxa uu qoraallo ku qoray internetka intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2014, waxaana uu dadka la wadaagay gabayo iyo aragtidiisa muxaafadka ah. Waxaa kale oo uu qoraalladiisa ku lifaaqay cilmi-baadhistii qalinjebintiisa oo cinwaankeedu ahaa “Qiyamka Qur’aanka” oo uu ku taageeray jihaadka waxaana uu ku tilmaamay Yuhuudda iyo Kiristaanka inay habaaran yihiin sababtoo ah ma aaminsana Ilaahay iyo nebigiisa. “Ciqaab xanuun bada ayaa sugaysa,” ayuu ku sheegay qoraalkiisa.

Isaga iyo xaaskiisa oo ka shaqaysa qurxinta guryaha waxay Rasid ku dareen iskuul lagu barto qur’aanka – oo ah wax caadi ah qoysaska diiniga ah.

Kor: Mid ka mid ah sawirrada uu qaaday Tugral meel u dhow TÜBİTAK National Observatory, Antalya, Turkey, waxa la daabacay Oct. 14, 2014.Sawir kale xilli ay socotay munaasabad dhacday 2012 Star Festival at TÜBİTAK National Observatory in Antalya, Turkey, waxa la daabacay Oct. 12, 2014.

Kor: Mid ka mid ah sawirrada uu qaaday Tugral meel u dhow TÜBİTAK National Observatory, Antalya, Turkey, waxa la daabacay Oct. 14, 2014.


Sawir kale xilli ay socotay munaasabad dhacday 2012 Star Festival at TÜBİTAK National Observatory in Antalya, Turkey, waxa la daabacay Oct. 12, 2014.

Xariif aan anshax lahayn

Dabayaaqada sannadkii 2007 Tugral waxa uu galay Jamacadda Farsamada ee Bariga Dhexe METU oo loo yaqaan Harvard-dhii Turkiga waxana uu baranayey cilmiga fisigiska. Jaamacadda oo ah mid cilmaani ah waxa ay u ahayd jawi ka duwan kan guriga uu kasoo jeedo, sida uu sheegay Nihat Celik oo ay isku fasal ahaan jireen kana mid ahaa dadka xaqiijiyey qoraalka Tugral ee baraha bulshasda.

“Maalintii waxa uu tagayey iskuulka waxana uu wax ku baranayey bii’ad bulshadu furfuran tahay, habeenkiina waxa uu usoo hoyaney qoyskooda oo ahaa qoys muxaafid ah oo diineed,” ayuu yidhi Celik. “Suurtogal ma aha inaad isku dhex waddid labadan nololood ee kala duwan.”

Tugral oo buur fuulaya Antalya, Turkey, waa sawir aan la aqoon goorta la qaaday. 

Tugral oo buur fuulaya Antalya, Turkey, waa sawir aan la aqoon goorta la qaaday. 

Intii uu ku jiray jaamacadda METU Tugral waxa uu caan ku noqday xiisaha uu u qabay cilmiga xiddigaha iyo sawirqaadista, iyo inuu ahaa nin su’aalihiisa ay meel haystaan. Waxa la sheegay inuu mar walaba uu weydiin jiray su’aalo wanaagsan sida uu sheegay nin professor-ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo dhinaca amniga ah. Hase yeeshee Tugral ma ahayn ardayga ugu wanaagsan, su’aalo ayaa ka taagnaa dhinaca anshixiiisa waxaana uu gooyey xiisado badan.

Tugral waxa auu ku biiray naadiga qaybta cilmiga xiddigiska ee jaamacadda, waxaana uu saaxiib la noqday madaxa qaybtaasi Utku Boratac. Waxay si wadajir ah u barteen mucjisooyinka samada xilliga habeenkii ah iyaga oo xilligaasi aadi jiray fasaxyo dhulka ka baxsan magaalooyinka ah. Waxay kaloo gacan ka gaysan jireen munaasabadaha uu qabanqaabiyo machadka la socodka qaranka TUBITAK gaar ahaan qabanqaabadaha munaasabadaha lagu daawado xiddigaha, sida uu VOA u sheegay Boratak.

Waxa uu ku bilaabay inuu sawirro ku daabaco bogga ay leeyihiin dadka akhrista majallada National Geographic 2010, waxaana uu ka qaybgalay tartan ku saabsan sawirrada oo lagu qaadayey kaamaradaha lagu eego xiddigaha. Magaca loo yaqaanay baraha ijtimaaciga ah waxa u ahaa Nukleer Kedi ama Nuclear Cat taasi oo ka turjumaysay jacayl uu u qabay bisadaha iyo sawirradoodad.

Tugral waxa uu sawirkan ku daabacay Facebook, Oct. 8, 2014, waxana uu ku sifeeyey, "Hurdoonaya aniga oo waxbaranaya..."

Tugral waxa uu sawirkan ku daabacay Facebook, Oct. 8, 2014, waxana uu ku sifeeyey, "Hurdoonaya aniga oo waxbaranaya..."

Nin aan isbeddelin

Waxa uu ahaa nin maadeeya mararka qaarkoodna hadallada dadka ku tuura, Tugral waxa uu sheegi jiray kaftanka, waxaana uu wax kasta ka dhigan jiray wax lagu maadaysto, sida uu sheegay mid ka mid ah dadkii ay isku fasalka ahaayeen. Mar kale waxaa la arkay isaga oo aan shaati wadan balse xiran oo keliya daba-gaab. Waxa uu ahaa nin jecel inuu baaskiil ku safro, waxa uu jeclaa buur fuulista iyo dabbaasha, waxana uu aad iskugu mashquuli jiray jimicsiga. Waxaa la sheegay inuu hadda ka hor baaskiil kaga safray magaalada Ankara uuna ku tagay Konya, waa masaafo dhan 262km.

Ma ahayn nin cabba khamriga iyo maandooriyayaasha kale oo ay istcimaalayeen qaar ka mid ah ardada ay wax wada bartaan. Sannadkii 2013-ka waxa uu ka qaybqaatay bannaanbaxyo looga soo horjeeday dawladda waxaana uu bilaabay inuu aad ugu sii dhowaado dhinaca diinta, kadibna waxaa la sheegay inuu isbeddelay. Saaxibadiis ayaa sheegay inuu bilaabay inuu aad uga fogaado afkaarta furfuran ama cilmaaniga ah ee jaamacadda ay wada dhiganayeen, waxa uu bilaabay inuu gadhka bixiyo, timahana daysto.

“Badi dadka aan aqaano waxay igu tilmaami lahaayeen inaan waalanahay haddana sida badan waxay doonayaan inay sidayda oo kale noqdaan sababtoo ah waxaan sameeyaa wixii aan doono. Waaya aragnimadaydu waxaa laga yaabaa inay tooda ka mid tahay,” sidaas waxaa qoray Tugral oo ku qoray bog uu leeyahay mid ka amid ah huteellada la seexdo oo lagu magacaabo Couchsurfing.

“Waxaan jeclahay inaan qoslo, dadkana aan ka qosliyo (inkasto mararka qaarkood aan ooyo). Dadka anigu igu xeeran ma aha kuwo nolosha ka caajisay...waqtiga intiisa badan.”

Ku siqistii xagjirnimada

Intii uu ku sugnaa jaaacadda METU Tugral waxa uu ahaa mid aanay hawo gelin waxyaabaha ka reeban dadka islaamka ah hase yeeshee waxa u si xor ah ula socon jiray dad aan la balwad ama dhaqna ahayn marka ay noqto dhinaca salaadda, soonka iyo in laga figaado waxyaabaha maandooriyayaasha.
“Waxaa jirtay mar aynu wada cabnay khamri," ayuu sheegay mid ay saaxiib ahaayeen oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo dhinaca amniga ah dartood. Waxa uu yidhi Tugral "nalama cabin khamriga laakiin wuu isku maadsanayey inaanu nala cabbaynin darteed."

Sannadkii 2013, waxa uu ka qaybgalay bannaanbaxyadii looga soo horjeeday dawladda, waxaana uu bilaabay inuu diinta au dhowaado si uu u fahmo. Waxa uu bilaabay inuu isbeddelo, sida uu sheegay saaxiibkis Boratac.

Tugral waxa uu bilaabay inuu si tartiib ah iskaga fogeeyo fikrika cilmaaniga ah ee jaamacadda. Waxa uu la baxay gadh waxaana uu joojiyey inuu timaha iska jaro. Waxa uu Facebook ku qoray in "shuuciyiinta ku sugan METU ay isku soo ururaan isla markaana ku maadaystaan marka ay walaaluhu is bariidiyaan iyaga oo gadhka iska taabanaya.”

Kor: Dad masaajid ku jira oo sugaya casho jaamacadda Middle East Technical University, Ankara, Turkey, Feb. 22, 2015. (Photo courtesy of METU Community Mosque)Tugral ayaa qaaday swirkan dhismaha TÜBİTAK National Observatory xilli ay xiddigo badan ka muuqdaan samada, Antalya, Turkey, waxa la daabacay Oct. 26, 2014.


Kor: Dad masaajid ku jira oo sugaya casho jaamacadda Middle East Technical University, Ankara, Turkey, Feb. 22, 2015. (Photo courtesy of METU Community Mosque)

Tugral ayaa qaaday swirkan dhismaha TÜBİTAK National Observatory xilli ay xiddigo badan ka muuqdaan samada, Antalya, Turkey, waxa la daabacay Oct. 26, 2014.

Waxa la sheegay inuu waqti badan ku bixiyey masaajidka jaamacadda saacado badanna uu ku bixiyey munaaqasho ku saabsan Qur'aanka "isagoo u dulmarayey qidco iyo eray erey," sida uu sheegay Boratac. "Waxaa jirtay inuu mar isku dayey inuu faallo ku qoro Facebook si uu dood u bilaabo ku saabsan Islaamka...hase yeeshee wax jawaab ah kama bixinayn doodaha."

Mararka qaarkood waxa uu si weyn u dhex muquurtay barashada Qur'aanka maalmo badan, mararka qaarkoodna ilaa laba usbuuc isaga oo aan ka bixin masaajidka, sida uu sheegay Celik oo la hadlay VOA. Waxa uu xagjiraynta saaxiibkiis la xiririyey ka qaybgalkiisii koxda baarshada qur'aanka ee masaajidkaas. Markii la gaadhay gu'gii 2014-ka mid ka mid ah dadki ka midka ahaa kooxdaasi ayaa u safray dalka Siiriya ama Ciraaq, sida uu sheegay Celik. Waxana uu intaas ku daray oo uu yidhi. "Ma ogin waxa ku dhacay."

Newsweek ayaa maqaal ay daabacday sannadkii 2015 oo ka hadlayey taariikhda Tugral ku sheegtay in xubin hore oo ka tirsan kooxda barashada qur'aanka ee masaajidka ku taxnayd uu ku biiray IS kadibna uu la wadaagay cajaladaha jihaadiga ah. Sheekdadu waxay ku doodaysay in jihaadiyiinta Turkiga ay ka badbaadeen indhaha hay'adaha amniga oo kusii jeeday jihaadiyiinta ajaanibta ah ee ka gudbaya xadka waddankaasi la leeyahay Siiriya.

Tugral mararka qaarkood waxa uu tujin jiray salaadda sababtoo ah waxa uu ahaa nin balaaqo leh, sida uu sheegay Ufuk Tastan, oo kaaliye cilmi-baare ka ahaa qaybta fiisigiska METU oo la hadlayey jariidadda BirGun Daily, waxay soo wada haayeen arday.

Markaas kadib Tugral waxa uu bilaabay inuu si cad u taageero jihaadka. Farriimaha uu ku qoray Facebook waxa uu ka murugooday geerida dadka rayidka ah ee reer Siiriya oo sida uu sheegay ay dileen Ruushka, ciidamda Siiriya iyo duqaymaha isbahaysiga uu Maraykanku horseedka ka yahay. Waxa uu sidoo kale cambaareeyey dawladda Turkiga iyo shacabkeeda.
“Mararka qaarkood waxa uu dawladda ku eedeeyey musuqmaasuq iyo laaluush," sida uu sheegay Celik, waxaa kale oo uu aaminsanaa in xukuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan “ay diinta si qalad ah u turjumtay."

Waxa uu jaamacadda METU ka qalin jebiyey sannadkii 2014-ka. Waxaana u isla markiiba qaatay digriiga Masterka ee cilmiga fiisigiska jaamacada Jyvaskyla ee dalka Findland. Waxa uu soo dhoweeyey isbeddelka weyn ee ku yimid xaaladdiisa waxbarashada iyo tan juquraafi ahaaneed, waxaana uu boggiisa Facebook ku qoray, "kambaskayga jaamacadda waa uu ka fiican yahay kii hore ee aan dhiganayey."

Dhinaca baraha bulshada Tugral waxa uu daabici jiray sawirrada cirifka waqooyi ee waddankaasi kun yaalla mandiqadda Nordic lagu magacaabo, waxaa kale oo uu daabici jiray sawirrada bisaha, dabagaalla iyo xawanaadka kale.

Sawir Tugral uu ka qaaday tuulada Äkäslompolo ee Finland’s Kolari municipality, waxa la daabacay Dec. 26, 2014.Sawir kale oo uu qaaday Tugral, muuqaallda Northern Lights over Ylläs, beerta national park in Finland, waxa lagu daabacay Facebook Dec. 27, 2014.


Sawir Tugral uu ka qaaday tuulada Äkäslompolo ee Finland’s Kolari municipality, waxa la daabacay Dec. 26, 2014.

Sawir kale oo uu qaaday Tugral, muuqaallda Northern Lights over Ylläs, beerta national park in Finland, waxa lagu daabacay Facebook Dec. 27, 2014.

Tugral si weyn isha ugu haynin dhinaca waxbarashada keliya. Waxa uu waqti badan ku qaadan jiray masaajidka ku yaalla magaalada Jyväskylä ee An-Nur mosque.

“Ma iman jirin xiisadaha laakiin waqtigiisa badankiisa waxa uu ku qaadan jiray msaaajidka ama internetka markii uu guriga joogo," sidaasi waxaa wargayska Turkiga ee Birgun Daily u sheegay Anbu Posakkannu oo ay isku degaan ku noolaayeen.

Posakkannu waxa uu sheegay in Tugral “inta badan uu doonayey inuu ku biiro IS.” VOA uma suurtogelin inay waraysato Posakkannu.

Tugral saaxiibkiis ay wada dhiganayeen jaamacadda METU gaar ahana maadada xiddigiska Boratak, ayaa VOA u sheegay inuu ku dacaayadayn jiray saaxiibkiisa gadhkiisa weyn. "Waxana ku idhi 'sidee ayey kuugu oggolaadeen Finland inaad gashid adiga oo gadhkan leh? Miyeysan ku weydiinin inaan jihad u socotid?’” Boratac ayaa xusuusta.

“Waxay kugu qiimaynayaan ujeeddadaada, ama sida aad u egtahay" ayuu ugu jawaabay Tugral shot back, sida uu sheegay Boratac.

Hase yeeshee Tugral ujeeddadiisa ayaa abuurtay shaki, sida uu qoray wargayska BirGun Daily. Saraakiisha amniga ee Finland ayaa baadhitaan ku furay sannadkii 2014-ka dabayaaqadiisii, sida wargaysku tebiyey.

Majaladda Newsweek ayaa iyaduna sheeko ay ka qoryay Tugral ku sheegtay in booliisku, "ay su'aalo weydiiyeen kadib markii ay dhiillo ku abuurtay waxyaabaha uu ku qoraay Facebook." waxayna ku waraysteen meel ka baxsan kambaska jaamacadda.

Madaxa masaajdka Khalid Bellamine ayaa u xaqiijiyey VOA in saraakiisha amniga ee Finland ay kala soo xiriireen arrintan Tugraal. Hase yeeshee Bellamine waxa uu sheegay inaanu "shaqsiyan la kulmin Tugral, isla markaana bulshada ku taxan masaajidka uusana jirin qof yaqaana.”

“Sida aan ogaanay waxa uu masaajidka imanayey xilliyada dambe qofna lama uusan hadli jirin," ayuu yidhi Bellamine. “Haddii ay jiraan waxyaabo aan uga shakiyey sida cad wargelin ayaan samayn lahaa.”

Kor: Tugral waxa uu booqday goobta ay ku yaallaan huteellada 7 Fells Hostel in Äkäslompolo, koonfurta Finland.


Kor: Tugral waxa uu booqday goobta ay ku yaallaan huteellada 7 Fells Hostel in Äkäslompolo, koonfurta Finland.

Ka hor intii uusan u bixin fasaxa xilliga jiilaalka ee Jaamacadda, Tugral waxa uu isku sawirayaa kaamaradiisa nooca DSLR meel u dhow kaniisadda Helsinki Cathedral, waxaa kale oo uu ku sawiray huteelka la seexdo ee gobolka Lapland ee lagu magacaabo 7 Fells Hostel sababtoo ah qofka iska leh "waa sawir-qaade khibrad leh sidayda oo kale," ayuu ku qoray Facebook.

Tugral waxa uu taagan yahay bannaanka Kaniisadda Helsinki, Finnish Evangelical Lutheran church, Dec. 17, 2014.

Dhuumasho, duulimaad

Tugral waxa uu kusoo laabtay qoyskiisa Ankara, isagoo u adeegsanaya marin ka hor inta uusan u gudbin dhinaca waddanka ay deriska yihiin ee Siiriya. Waxa uu waalidkiis u sheegay in habeenkii ay taarikhdu ahayd 10-ka Jannaayo 2015-ka uu la soo joogayo saaxiibo ay isku yaqaaneen jaamacadda METU. Balse waxa uu rartay boorso oo dhabarka lagu qaato waxaana uu u baqoolay dhinaca xadka dalka Siiriya.

“Ka hor intii aanan soo bixin, waxaan kalsoonidayda u gacan geliyey ilaahay,” ayuu qoray Tugral.

Waxa uu soo lugeeyey waddada isaga oo u gacan haatiyey baabuur bas ah. Waxa uu yidhi, "markii aan fuulay ayaan xusuustay inaan ka imid kaamaradaydii,". Waxay ahayd kaamarad uu u qaato meel walba oo uu ku diiwaangeliyo samada, deegaanka ku xeeran iyo isbeddelkiisa. Waxa uu go'aansaday inaysan "wax weyn ahayn" oo u qalanta in dib loogu noqdo.

Tegitaankii Siiriya

Xusuusta tegitaanka Siiriya iyo wixii ka dambeeyey ee dhacay waxaa lagu qoray warqad uu xusuus-qor ahaan u qoray Tugral oo loo qoray si aan habaysnayn maadaama uusan heli karin internet iyo baraha ictimaaciga. Warqadda waxaa cinwaan looga dhigay "Salaan ka timid dhulkii Khaliifada," waxaa ku daabbacay Facebook bishii Maarso 25, 2015.

Markii uu gaadhay magaalada ku taalla xadka dalka Turkigu la leeyahay Siiriya ee Sanliurfa waxa uu ku biiray rag kale oo ka kala yimid waddamada Tuuniisiya, Liibiya, Sucuudiga oo doonaya inay u dagaalamaan IS. Iyaga oo wada socda ayey ka gudbeen xadka. "Waxaynu ordaynay masaafo dheer. Waan ku farxay inaana soo qaadan boorso weyn," ayuu qoray Tugral, isaga oo isku hambalyaynaya.

Nin u dhashay dalka Afghaanistana oo timo weyn leh ayaa ka qaaday xuduudda waxayna sii garab mareen meel uu ka taagan yahay calan madow iyaga oo usii socda magaalada Tal Abyad. Waxaa la geeyey guri uu ka shidan yahay shumac. Waxaa laga qaaday baasaboorradii, qalabkii elektaroonigga iyo wixii kale ee ay haysteen - hase yeeshee Tugral waxa uu ku qanciyey mid ka mid ah maleeshiyadii IS inuu dhowr daqiiqo u daayo telefoonka si uu iimayl ugu diro qoyskiisa.

“Aad bay u adkayd internetka sababtoo ah signal ma jirin," sida uu qoray, waxaana uu sheegay in telefoonkiisa laga qaaday ka hor intii uusan iimaylkiisa wada dirin. "Xaggeen u socdaa? ayaan is weydiiyey, haddana waxaan is idhi wax kastaba ha dhacaane.”

IS waxay su'aalo weydiisay mid kasta oo ka mid ah dadka cusub waxayna midkiiba siisay naanays cusub. "Aniga waxaa la ii bixiyey ABu Huraira" - ayuu qoray Tugral oo Carabi ahaan macnaheedu yahay Aabihii Bisadda.

Tugral waxa uu daboolay wejigiisa badankiis xilli ay dabayli dhacaysay caaismadda IS ee Raqqa, in Syria, Dec. 6, 2015.

Tugral waxa uu daboolay wejigiisa badankiis xilli ay dabayli dhacaysay caaismadda IS ee Raqqa, in Syria, Dec. 6, 2015.

Walaalnimo iyo caajis

Malamo kadib Tugral waxaa loo wareejiyey guri kale oo rasaasku ay gidaarradiisa shabaq ka dhigtay, "oo aan u malaynayo in dagaal lagu qabsaday," ayuu qoray. Waxaa ku jiray ilaa 20 qof, waxaana uu ka sheekeeyey waddamada ay kasoo kala jeedaan iyo sida ay uga siman yihiin taageerada IS. Mid ka mid ah dadka meesha ku jiray waxa uu ciyaari jiray ciyaarta harraatida ee kickboxer waxaana uu ka yimid Jarmalka, mid kale waxa uu ahaa Injineer ka yimid Bangladesh, mid kale waxa uu markaas uun kasoo baxay xabsi ku yaalla Faransiiska. Mid kale ayaa sheegay inuu kasoo safray dalka Shiinaha ayna kasoo baxday lacag dhan $15,000.

Dhowr maalmood kadib Tugraal iyo siddeed kale waxay bas u raaceen magaalada Raqqa, caasimadda IS. "Waxaynu isku arkaynaa jannada," ayey isku macasalaameeyeen sida uu sheegay markii ay kasoo tagayeen kuwii kale ee ay wada joogeen guriga, waxay ahayd macasalaamays farxad leh, sida uu sheegay.

Tugral waxa uu ka muuqdaa fiidyow uu dhigay Facebook isaga oo muquuranaya balli biyo ku jiraan

Tugral waxa uu dhex mushaaxay magaalada Raqqa intii uu sugayey inuu qaato waxbarashada Shareecada iyo tababarka ay IS siinaysay si dagaal loogu diyaariyo. Waxa uu qoray "magaaladu waa magaalo weyn oo dadku ku badan yihiin...dadku si caadi ah ayey ugu nool yihiin iyadoo aan madaxgoyn jirin," ayuu ku qoray xusuus qorkiisa. Waxa ugu wanaagsan ee dawladda islaamiga ah ay samaysay waa mamnuucista sigaar cabista, ayuu qoray, hase yeeshee waxaa uu dhinaca kale ka cabanayey daalka uga imanayey "naaftada gubanaysa meel walba," iyo tan ka imanaysay mootooyinka iyo matoorrada qaboojiyayaasha.

Tugral waxa uu laba usbuuc joogay Raqqa, isagoo lagu dhex daray jihaadiyiin kale oo ajaanib ah guri qabaow oo biyhu ku yaryahay oo aysan oollin wax ka badan ukun markii cunto loo baahdo. Waxaa ku dhacay xanfaf dhinaca dhuunta ah, oo marka loo eego diyaaradaha duqaynaya agagaarkiisa aan ahayan wax sidaas usii weyn kuwaasi oo lagu qiyaasay dabayl xooggan oo daaqadaha garaacaysa.... Mar kasta waxaa na hortaalla cabsida ah in bam madaxa nooga dhaco.”

U diyaargarowga dagaalka

Muddo dhowr bilood ah Tugral waxa uu u kala hoyday dhowr guri oo qaarkood ku yaallaan magaalada Raqqa halka kuwo kale ay ku yaalleen Homs. Waxa uu ka cabanayey duruufaha guryaha oo uu sheegay inay ahaayeen kuwo qabow, dadku isku badan yihiin isla markaana nadaafadda aysan wanaagsanayn. "Waxaan ku seexanayey qof ilaa 30 qof mar kastana dad cusub ayaa la keenayey," ayuu ku sheegay qoraallkiisa.

Xilli waxaa jirtay uu ku noolaa bohol sida dadkii hore inkastoo ay IS u gogoshay furaash iyo sariiro isbiriin ah, sidoo kalena loo dhigay mishiin dharka lagu dhaqdo iyo matoor korontada dhaliya. "Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jireen agab lasoo xaday," sida uu qoray oo ay ka mid ahaayeen bustayaal ay ku qornayd calaamadda UN-ka oo ay muuqataya in loogu talogalay dadka qaxootiga ah.

Tababarkiisa waxa uu bilowday maalintii ugu horraysay ee uu u hoyday bohosha. Dadka uu ku jiray waxaa la barayey qalaamo-rogadka iyo sida dhooqada loogu dhex gurguurto. Tugral waxa uu xirnaa jaakad iyo surwaal uu kala yimid Finland, "ma doonayn inaan dhooqada kula dhex gurguurto laakiin waan ku qasabanaa," ayuu qoray, isgaoo ugu baaqaya kuwa ka dambeeya ainay soo qaataan dharka milatariga.

Dadka ay iskula jireen bohosha iyo tababarka waxaa ka mid ahaa Injineer u dhashay Biritan iyo wiilkiisa. "Waxay u muuqatay inay wax ka yaqaanaan xiddigaha, aniga oo aan weydiinin ayaan bilaabay inaan u sharraxo," ayuu qoray Tugral. Inkastoo bohoshaasi aysan lahayn koronto, magaalada badankeeduna aysan lahayn. Waxa uu sheegay inaanay jirin wax caad ah oo qarin karayey xiddigaha.

“Waxaan idiin sheegi karaa in cirku aanu daruuro lahayn meel kasta oo aad kaga sugan tahay dawladda islamaiga ah.”

Cabsida diyaaradaha

Meel kasta oo ay joogeen mintidiinta waxaa ku hoobanayey duqayn dhinaca cirka ah. Diyaaradaha xukuumadda madaxaweyne Bashaar Al-Assad "ayaa maalin kasta na dul marayey...mid ka mid ah haamaha aay ridday waxay ahayd mid dhowaaq dheer, aad bay noogu dhowayd waxayna dhulka ka samaysay god weyn.”

Waxa uu sheegay inuu ka caajisay noloshooda oo ahayd mid ay ku jireen goobo boholo ah iyo dooxooyin, cabsi weynna ka qabeen diyaaradaha xukuumadda Siiriya oo uu sheegay inay korka ka duqayanayeen. Waxa uu biaalabay inuu ka cabto nadaafadda goobta u ku jray, nidaamsanaan la’aantooda iyo ujeeddada qaar kale oo ka mid ah dadka kusoo biiray IS oo aan kala caddayn. Mid ka mid ah dadka kasoo goostay jabhadda Al-Nusra asalkisana kasoo jeeda Moldova ayaa u sheegay inuu u yimid oo keliya gunnada ay bixyaan ISIS oo iskugu jirta lacagta iyo gurayaha. Weli Tugral waxa uu ku taamayey mustaqbal aan muuqan.

Farin uu kuqoray barta Facebook ayaa odhanayasa ‘Isalamic State ma aha dawlad Islaami ah oo sax ah. Waa dawlad islaami ah laakiin qalaladaadka dadka ka dhaca mas’uul kama ah dawladda.” Waxa uu sheegay inaan nadaafada laga tixgelin, sharciyada waddooyinka ee baaburuta aan loo hoggaansamin, balse ay tallaabo tallaabo uga shaqynayeen sidii loo sixi laha iyadoo gacan laga helayo dadka muhaajirinta ah – sida uu qoray.

Kor: Tugral, bidix, waxa uu la taagan yahay xubin kale oo ka tirsan IS, waa Raqqa, Syria, July 9, 2015.Magaalada Siiriya ee Deir ez-Zor ayaa isku beddeshay cidlo kadib dagaallo qaraar oo dhexmaray ciidamada dawladdaa iyo maleeshiyada IS, sida uu Facebook ku qoray Tugral, Aug. 9, 2015.

Kor: Tugral, bidix, waxa uu la taagan yahay xubin kale oo ka tirsan IS, waa Raqqa, Syria, July 9, 2015.


Magaalada Siiriya ee Deir ez-Zor ayaa isku beddeshay cidlo kadib dagaallo qaraar oo dhexmaray ciidamada dawladdaa iyo maleeshiyada IS, sida uu Facebook ku qoray Tugral, Aug. 9, 2015.

Waxa uu sheegay in isaga iyo shan kale bil kadib ay kasoo baxeen bohoshii lagana dhigay taliyayaal, waxaana uu shegay in duruuftii noloshooda ay wax iska beddeshay. Waxay u guureen guri ku yaalla duleedka Homs mid kasta waxaa la siiyey buste iyo qof cuntada u kariya oo toddobaakiina u qala neef adhi ah, waxaa kale oo ay helayeen moos iyo liin iyo afar xabo oo ah chocolate-ka snikerska ah.

Difaacid ficillada bahalnimada

Kadib mar uu galay dagaal habeen kale, Tugraal iyo jihaadiyiinta kale ee la socotay waxay ku laabteen saldhigoodii, isagoo sida uu qoray "guul gaadhay". Laba taangi ayey qabsadeen iyo baabuur kale oo fudud iyo baasuukayaal, "waxaana qoorta laga gooyey saddex qof."

Goor dambena waxa uu difaacay qoorgoynta farriin uu ku qoray Facebook isagoo ay sheeko dhexmartay saaxiibkiis Boratac oo weydiiyey sabata uu ula joogo "koox gawracda shacabka isla markaana madaxa ka goysa dadka? Waa waalli xad dhaaf ah.”

Tugral waxa uu taas kaga jawaabay inay ciqaab u tahay dadka taageera xukuumadda Siiriya oo "dilay dad badan oo rayid ah" sida uu sheegay, waxa kale oo uu yidhi waxaa lagu ciqaabayaa kuwa "diiday" maamulka islaamiga ah oo "addoomada u noqday Maraykanka". Waxaa kale oo uu difaacay in jihaadiyiinta IS ay haweenka kasoo jeeda qowmiyadda Yazidi ay u qabsadaan addoomo loo galmoodo oo kale.

Waxa kaloo uu u sheegay saaxiib Boratac in qoorgoyntu ay fulinayso ujeeddo istiraatijyad leh: "Qoorgoynta waa wax loogu talogalay TV-ga si cadawga nooga baqdaan. Markay arkaan way naga baqanayaan wayna naga cararayaan."

Caruusad jihaadi ah

Horraantii bishii Abriil 2015-ka Tugral waxaa lagu dhaawacay dagaal uu la galay Kurdiyiinta meel u dhow magaalada ku taalla xuduudda ee Tal Abyad. Waxa uu u wareegaya magaalada Raqqa si looga daweeyo dhaawaca soo gaadhay oo aan caddayn halka uu ka haleelay.

Tugral oo dhaawah ah waxaana lagu daweynayaa cisbitaal ku yaalla magaalada Siiriya ee Tal Abyad. Sawirka waxaa la daabacay April 17, 2015.

Tugral oo dhaawah ah waxaana lagu daweynayaa cisbitaal ku yaalla magaalada Siiriya ee Tal Abyad. Sawirka waxaa la daabacay April 17, 2015.

Bishii xigtay waxa uu guursaday Aisha Zevra Et-Turki, oo ah gabadh taageerta IS una dhalatay Turkiga.

Qoraal hore oo uu soo dhigay Facebook ayuu ku sheegay in jihaadiga aan xaaska llahayn uu bishii qaato $100 isla markaana uu guri la wadaago lix maleeshiyo ah oo kale. Waxa uu qoray in dadka dibedda ka yimaadda ay haystaan "afar bilood inay ku guursadaan...dawladda islaamiga ah waxay ku siinaysaa guri, dhaqaale adiga, xaaska iyo carruurta aad ku noolaataan.”

Guurka kadib Tugral waxa uu yareeyey qoraalladii uu soo dhigi jiray baraha bulshada. Boratak ayaa kula xiriiray facebook waxaana uu weydiiyey sababbta uu u gaabsaday iyo inuu doonayo inuu Turkiga kusoo laabto.

“Waxa uu igu yidhi dhowaan ayuu guursaday, xaaskisuna waxay ka masayrsan tahay inuu waqti badan ku bixiyo baraha bulshada," sidaas waxaa VOA u sheegay Boratak. "Iima kala caddayn inuu kaftamayey iyo inay dhab ka ahayd.”

Qoraalladii kale ee uu dhigay Facebook iyo Twitter Tugral inkastoo ay ka yaraayeen sidii hore haddana waxaa ka muuqatay inay aad u kortay dareenka weyn ee uu u hayey jihaadinimada iyo sida uu u sii noqday qof diini ah. Waxa uu cambaarayn jiray duqaymaha cirka - oo ay gaysanayana ciidamada Siiriya, Ruushka iyo Isbahaysiga ay Maraykanku horseedka ka yihiin - iyo geerida kasoo gaadhaysa rayidka. Waxa uu sheegi jiray inuu doonayo inuu u dhaqmo sida shareecadu oggohshay, “laga bilaabo cunista cuntada ilaa isticmaalka musuqlaha.”

Waxa uu cambaareeyey Carabta reer Siiriya oo uu ku ku eedeeyey sida uu Facebook ku qoray inaysan akhrin karin Qur'aanka, ama xataa inaysan sidii salaanta islaamka qaadi karin: 'Marka aan ku dhaho, 'nabadi korkina ha ahaato,' dadka caadiga ah ee Raqaa, waxay iigu jawaabaan, 'Hello, hello.’ Aad baan uga niyad jabay.”

'Cadaab ayaa u sugnaatay'

Tugral oo ahaa nin xiiso badan u qaba sayniska marna kama maqnayn saaxada. Waxa uu mararka qaarkood daabici jiray sawirro hore oo xiddigaha ah oo uu qaaday. Waxa uu ka hadli jiray cilmiga sida dhulku u samaysan yahay, waxaa kale oo uu fikrad ka dhiiban jiray shirkadaha daawooyinka, iyo sida kaydka kombiyuutarrada uu u noqon karo bakhaar aan qaadkiisu xad lahayn sida xiddigaha oo kale.

Barta Twitter, waxa uu ammaanay saynisyahannada ay ka midka yihiin Fisigistihii geeriyooday ee Maraykanka Richard Feynman – inkastoo haddana uu ku canaantay "waa inaad Islaam noqotaan ka hor inta aan geeridu idiin iman." Tugral waxa uu hadda ka hor la kulmay isla markaana isla sawiray Fisigistaha Maraykanka ee ku guulaystay jaa'izadda Nobel Walter Kohn. Laakiin markii Kohn uu geeriyooday 2015, Tugral waxa uu ku qoray bartiisa twitterka in maadaama uusan ahayn Muslim "inuu tikidh u qaatay cadaabka, nasiib darro."

Tugral waxa uu la sawiran yahay Fisigistaha Maraykanka Walter Kohn muuqaal aan taariikh lahayn lana ogayn goorta la qaaday


Tugral waxa uu la sawiran yahay Fisigistaha Maraykanka Walter Kohn muuqaal aan taariikh lahayn lana ogayn goorta la qaaday

Bishii Ogosto ee sanandkan ayey Tugral geeridu u timid, waxaana uu ku dhintay dagaal ay ISIS la galeen ciidamada kuridyiinta waqooyiga magaalada Raaqa sida lagu sheegay baraha ijtimcaaciga IS.

Waraysi kooban oo uu aabihiis Sulayman Tugral siiyey VOA ayuu ku sheegay in xaaskiisu ay xaqiijisay geeridiisa kadibna markii ay ku wada hadleen khadka telefoonka. Waxa lo sheegay in lagu aasay Siiriya.

Waxa uu Sulayman Tugral u sheegay weriyahayaga oo ku booqday guriga uu ku leeyahay magaalada Anka badhtamihii Ogosto inuu doonayo in maydka wiilkisa uu dib u helo, uuna ka codsaday mas’uuliyiinta Turkiga inay baadhitaan ku sameeyaan. Waxa uu ku yidhi, "M aogin sida uu u dhintay." Waxa kale oo uu u sheegay in "Geerida wiilkiisa ay u gudbiyeen xafiiska dacwad oogaha Ankara isla markaana waxaan ka sugaynaa jawaab." Waxa uu ku gacansayray inuu intaasi ka badan ka hadlo wiilkiisa, xubnaha kale ee qaraabada way diideen inay ka hadlaan.

Waa sawir la daabacay Aug. 8 oo lasoo dhigay bar taageersan IS oo muujinaysa geerida Tugral, Raqqa, Syria.

Waa sawir la daabacay Aug. 8 oo lasoo dhigay bar taageersan IS oo muujinaysa geerida Tugral, Raqqa, Syria.

'Aakhiro ayeynu isku arkaynaa’

Farriinta ugu dambaysay ee Tugral uu Facebook ku qoray waxay ahayd Ogosto 31-keedii ku dhowaad bil kadib markii uu dhintay.

Waxay sheegaysay: “Haddii aan halkan muddo qoraal ku qori waayo waxaad ogaataan in waqtigaygii dunidan uu dhammaaay aana tagay aahiro. Iisoo duceeya in ilaahay ii aqbalo shaqaahadada. Waxay ahayd farriin hore loo sii duubay. Waxan rajaynayaa inaan aakhiro ku kulano.”
Boggiisa Facebook weli waa uu shaqaynayaa laakiin waxaa dhowaan la xiray bartiisa twitterka, shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay 'joojisay in ka badan 360,000 baro twitter oo xiriir la lahaa argagixisada kuwaasi oo badankoodu xiriir la lahaayeen' IS, tan iyo badhtamihii sanandkii 2015.

Salih Doğan, oo ah nin Turkuya oo baadhitaan ku sameeyaa arrimaha siyaasadda, xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha amniga kana tirsan jaamacadda Keele University, ayaa ku qiimeeyey in "kumannaan kun oo qof oo ka socda Turkiga" inay ku biireen IS. Inkastoo sida uu sheegay "dhammaantood laga yaabo inay soo jiidatay xasuuqa xukuumadda Dimishiq ay ka gaysanayso Siiriya," sida uu u sheegay VOA, haddana waxa uu yidhi ujeeddada ay ugu biireen way kala duwan tahay. Qaarkood waxaa laga yaabaa ayuu yidhi inay ugu biireen fikaradda jihaadka sababtoo ah waxay kasoo jeedaan qoys muxaafid ah, qaarkoodna waxay aaminsan yihiin in si caddaalad darro ah loo bartilmaameedsaday, qaarkood waxa dhacda inay la dagaalamaan duruufo hoose oo haysta halka kuwo kalena laga yaabo inay raadinayaan macaash dhaqaale.

"Waa wax laga calool xumaado inay dadkani sidaas ku baxaan," ayuu yidhi Doğan. "Waxay ila tahay in arrinta lama dhaafaanka ah ay tahay faaruq bani'aadminnimo oo ka dhex jirta duni laab la kac ka buuxo."

Magaalada ay IS ka taliyaan ee Raqqa, Siiriya, Tigral waxa uu carruurta baraa sida loo isticmaalo doorbinka xiddigaha. Sawirkan waxa uu ku daabacay Twitterka Twitter, May 5, 2016.

Magaalada ay IS ka taliyaan ee Raqqa, Siiriya, Tigral waxa uu carruurta baraa sida loo isticmaalo doorbinka xiddigaha. Sawirkan waxa uu ku daabacay Twitterka Twitter, May 5, 2016.

Su'aalaha ku saabsan Tugral weli waxay calool xanuun ku hayaan saaxiibkiis ay wada baranayeen cilmiga xiddigiska Boratac.

Waxay hadda ka hor mar wada daawadeen walxo iftiimaya hawada sare oo ay u maleeyeen suxuunta duusha ama UFO. Rasid si deggan ayuu u dhagaystay markii dambena waxa uu ku sameeyey cilmi-baaris. "Waxa uu ii sheegay, ''ma aha doqon yahow...waa dayax gacmeed.' Waxa uu i baray markaas kadib in aanan go'aan gaadhin cilmi-baarista ka hor.”

Sidaas darteed, Boratac waxaa layaab ku noqotay sida Tugral ay u marin habaabisay dacaayadda IS?

“Waxaan is weydiiyaa ... sidee ayuu ku gaadhay meeshaasi? Waxa uu ahaa nin maadeeya oo aan wax kasta dhab ahaan u qaadan. Ninkaasi ayaa ugu dambayn ay la gaadhay inuu cudur-daar u sameeyo qoorgoynta.”

Celik oo ay iksu fasal ahaayeen jaamacadda METU ayaa aaminsan in Tugral ay suurtogali weyday inuu helo meel u dhaxaysay labada fikradood ee dunida ee iska horimanaya: “Waxaan aaminsanahay inuu maskax ahana ku wareeray labadan adduunyo - dhinac waa diinta iyo dhinaca kale oo ah sayniska uu baranayey.”

“Waxay ila tahay in uu ku jiray xaalad mugdi ah," ayuu yidhi Celik, isagoo intaasi ku daray, "Waan dareemayey taas xataa ka hor intii uusan ku biirin IS.”

Warbixintan waxaa soo weriyey Uzay Bulut, Kasim Cindemir iyo Rikar Hussein oo ka tirsan xafiiska la socodka xagjirnimada VOA ee Washington, waxaana lasoo weriyey Yildiz Yazicioglu oo kasoo warramay Ankara, Turkey. Waxaa qoray Carol Guensburg.

Tugral uu daawanaya sawirrada samada sare meel u dhow xarunta machadka TÜBİTAK, Antalya, Turkey, Oct. 6, 2014.